Baaqa Nabadda

Dhamaan umadda Somaaliyeed waxaan xasuusi naynaa in loobaahan yahay in aan ogaano in umad kastoo kajirta dunida caalamka in mar taariikhdooda kamid ah ay dagaalamayn sidaynookale. Maalmo kadibna way xaliyayn dhibaatadoodii, kadibna wadajir ayay horay oogu dhaqaaqayn.

Umaduhu markay dagaalamaan waxay iskugu yimaadaan miiska wadaxaajoodka ayagoo kawada shaqayn sidii loosoo afjari lahaa dhibaatada dhaxtaala, loona abuurilahaa nabad waarta. Haddaba waxaa iswaydiin mudan maxaytahay sababta aan laxalin waynay isfhan la aanta ina dhextaala mudada dheer hadaynu nahay umada Soomaaliyeed?

Si aynu uxalino dhibkayna, waxaan ubaahan nahay in aan ogaano nabaddu in ay kujirto gacantayna loona baahan yahay in aan wadajir ooga shaqayno. Lagasoo bilaabo markay burburtay doowlad daynii 1991 waxaan caado kadhiganay in aan kudhaqano waxa burburin nabadda, khilaafkana hormarin sida isku kaalmaynta gardarada, qabyaaladda, iyo aflagaadada la isku siimarin saxaafadda.

Waxaan ubaahan nahay in aan ogaano hadaan nabadda lagawada shaqaynin, lakala roonaanin, in ay naan marna gaaraynin hashiis, waayo nabadu waa hadyad ka imaata xaga Alle loona baahan yahay in uu qofkaste kabilaabo naftiisa asagoo amaan siinaaya dadkakale. Hadaad tahay qof ama koox Soomaali ah oo raadini nabad, daacadna ka ah waxaa muhiim ah in aad kafikirtaan markahore sidaad naftiina oogadhigi lahaydayn mid dulqaadleh, kana hofan qabyaalaadda iyo daacadnimo darada.

Waamuhiim in aan kafiirsano arayada aan isticmaalayno markaan kahadlayno shirarka ama saxaafadda, markastana kadhigno hadalkayna mid miisaaman oo taxadarleh. Waayo mafiicno in uu qof walaal kaa ah kuugu qaado colaad hadalkaad tiri dartiis. Sidaas darteed waamuhiim qofkaste ama kooxkaste oo ah Soomaali kana hadlaaya fagaare ama saxaafad in ay ilaaliyaan areyadooda.

Waamuhiim in uu ogaado qofkastoo ah Soomaali hadalku in uusan colaada waxba katarin, laakiin nabadda uu ciribtiro. Hadday inagatahay run raadinta nabadda waamuhiim in aan isxushmayno, isqadarino, isku tanaasulno, isku tashano. Waamuhiim in aan ogaano dhihidda areyo xadgudub ku ah dadkale oo Soomaaliyeed in ay dhaawici walaaltinimada.

Waamuhiim in aan ogaano maalin kastoo inadhaafta in dadkaynu usiikordhi dhibaato badan meelkaste oo joogaan sida dhaqanguurka, macaluusha, baracada, cudurada, biyo la-aanta, dagaalka iyo waxiilamid ah. Waamuhiim in aan isdabaqabano, kana wada shaqayno sidii loosoo afjari lahaa dagaalka ragaadisay dalkayna iyo adkayna. Waamuhiim in aan waxkabarano waxiitagay saan xal oogu helno tataagan iyo tasoosocota.

Waamuhiim in aan waxkabadalno siyaasadda dalkayna ay kudhisan 4.5 (qabiilka) laguna baddalo siyaasad kudhisan