Mahadcalin kusocota Madaxda Soomaaliya

Xisbiga Tiir waxuu mahadcelin udirayaa dhamaan madaxda Soomaaliya sida ay uxaliyayn khilaafkii sookala dhaxgalay Madaxweenaha iyo Ra’iisul Wasaaraha ayagoon kabix dalkeena Soomaaliya gudahiisa. Xaqiiqdii arintaas waataariikhi, waayo lagasoo bilaabo 1991 waa markii oogu horeesay oo khilaafka sookala dhaxgala madaxda Soomaaliya laguxaliyo dalka gudahiisa. Hogaan wanaagaas waxaa iskaleh ooy taariikhdu siquruxbadan uqori doontaa madaxda dalka hogaamisa hadda.  Xisbiga Tiir waxuu oogu baaqi madaxda dalka in ay kudadaalaan isutanaasul, wadashaqayn, wadajir, walaaltinimo, iyo in ay kuxaliyaan dalka Soomaaliya daxdiisa khilaaf kaste oo kuyimaada ayaga dhaxdooda. Xisbiga Tiir waxuu oogu baaqi Madaxweenaha Soomaaliya Mudane Hassan Sheikh Mohamoud in uu kudoorto Ra’iisul Wasaaraha cusub aqoontiisa, kartidiisa, iyo wadanjaceelkiisa, maya qabiilka uuyahay, waayo qabiil iyo qaran isma dhaxgali karaan. Xisbiga Tiir waxuu dhamaan Xildhibaanada Soomaaliya oogu baaqayaa in ay kubadalaan nidaamka 4.5 “Xisbi-Xisbi” si-qabyaaladda la’isku bahaysan uyaraato. Sidookale in aad kasaartaan dastuurka qaranka “Jagada Ra’iisul Wasaaraha” kuna badashaan nidaam kudhisan sadex awood “Golaha madaxweenaha, Golaha baarlamaanka iyo Golha maxkamadda sare” waayo nidaam kaas waxuu yarayni khilaafka kadhaca madaxtooyada. Xisbiga Tiir waxuu xasuusin Xildhibaanada qaran  in lajoogo xiligii nidaamka 4.5 lagu badali lahaa “xisbi-xisbi” siyaasadda dalkeenuna qaadanlahayd waddo cusub. Xildhibaanadii dalkoow, waxaa lajoogaa xiligii siyaasadda kudhisan sadexda awood “Madaxweene, Ra’iisul wasaare iyo Baarlamaan”, lugu badali lahaa mid kudhisan sadex gole: “Golaha madaxweenaha oo kakooban ‘madaxweene, madaxweene kuxigayn iyo wasiiro,  Golaha baarlamaan, iyo Golaha Maxkamadda sare” nidaamkaas waxuu u horseedi dalkeena siyaasad kudhisan awood isudheeli tiran. Madaxdii qaranka Soomaaliyeedoow, Xisbiga Tiir marwalba waxuu diyaar idiinlayahay hiil iyo hoo waayo waxaa naga go’an in aan wadajir ubadbaadino qarankeena. Maamulka Xisbiga Tiir info@tiir.org www.tiir.org