Author: Tiir Party

Away dhalintii Soomaaliyeed?

Dhamaan dhalinyarad Soomaaliyeed ay kunool dunida dacaladayda waxaan xasuusinaynaa in ay cashir kabartaan waxa kadhacaaya dalka Masar iyo meelo badan oo dunida kale ah.

Waxaa xaqiiqa ah isbaddalada kadhaca dunida waxaa lafdhabar u ah dhalinyaro. Haddaba su’aashu waxaytahay,  maxaa inagudhacay haddaynu nahay dhalinyarada  Soomaaliyeed oon wax ooga badaliwaynay xaaladda dalkayna ay murugsan muddadadheer?

Lagasoobilaabo 1529 qarniigii Imam Ahmed Guray, dhalinyarada Soomaaliyeed waxay ahaanjirayn kuwo firfircoon markastana kashaqeeya wanaaga dalkooda, dadkooda, iyo  midnimada Soomaaliyeed. Maantana dhalinyaradii  Soomaaliyeed waxay kukala jirnaan kooxo kalawata magacyo iyo mabaadii kaladuwan kooxahas oon waxkufalaynin wanaaga dalkayna iyo dalkayna.

Haddaba su’aashu waxaytahay haddaynu nahay dhalinyaradii Soomaaliyeed, maxaa inaga qaaday kartidii aan lahaanjirnay oo inaga dhigay hannaadyo qabaan u ah kooxo danaystayaal ah?

Dhamaan dhalinyarada Soomaaliyeed waxaan oogu baaqaynaa in ay kaqeebqaataan kacdoonka Xisbiga Tiir oo kagaduwan dhamaan xisbiyadakale ay siyaasiga ah todobadaan qodob ay hooskuqoran iyo kuwakale:

1)      Waa xisbigii oogu horeeyay ay lugudhawaaqay in uu yahay siyaasi.

2)      Waa xisbigii oogu horeeyay ay kahoryimaada nidaamka 4.5 si’bublik ah.

3)      Waa xisbiga kaliyah ooy aas aasayn, hogaakana u hayaan dhalinyaro Soomaaliyeed.

4)      Waa xisbiga kaliyah oo xubnahiisu intooda badan ay yihiin dhalinyaro.

5)      Waa xisbiga kaliyah oo xubno kuleh 16 wadan oo dunida kamid ah.

6)      Waa xisbiga kaliyah oo aaminsan halkudhaga “U isticmaal waxiitagay taariikh, maya aargoosi. U isticmaal mustaqbelka in aad dhisitd, maya in aad dumisid”.

7)      Waa xiisbiga kaliyah oo aaminsan in xalka dalkayna loogu raadiyo halkudhiga “Haddaan lakala roonaan roob madao”.

Dhamaan dhalinyarada Soomaaliyeed waxaan oogu baaqaynaa in ay kaqaybqaataan kacdoonka ay wadaan dhalinyarada Soomaaliyeed ay kubahoobay Xisbiga Tiir oo ah xisbiga kaliyah oo leh qorshayaal cadcad oo lugubadbaadin dalkayna baaba ay iyo dadkayna tabaalaysan.

Dhamaan dhalinyarada Soomaaliyeed waxaan oogu baaqaynaa in ay nalasooxiriiraan si’aan wadajir oogu badbaadino dalkayna iyo dalkayna kujira xaaladda cakiran ayagoo nagalasooxiriiri website ka xisbiga Tiir  oo kuqoran Afsoomaali iyo English. www.tiir.org.

 

Maamulka Xisbiga Tiir
info@tiir.org
www.tiir.org

Guddiga Asaxinta Dastuurka

Baaq kusocda Guddiga Asaxinta Dastuurka Cusub ay Soomaaliya.

Anoo ah Fadhil Sh.Mohamud Gudoomiyaha Xisbiga Tiir kunahadlaaya dhamaan codka xubnaha xisbiga ee kalajooga daafyaha caalamka waxaan ooga mahadcalin xubnaha guddiga dastuurka cusub sida waqtigooda qiimaha badan ay ugaliyayn iskudubaridka dastuurka dalka iyo dadkayaga Soomaaliyeed.

Hadaanu nahay Xisbiga Tiir waan akhrinay dhamaan qodobada dastuurka cusub ee qabyada ah. Waxbadan oo kamid ah qodobada dastuurka waxaa talobixin kadhiibtay dadkaladuwan oo Soomaaliyeed kuwaasoo soojeediyay in sikale loodhigo qodobada qaarkood. Sikastaba hanoqotee waxaa noocadaatay in ay jirto qodob kamuhiimsan dhamaan qodobada lacodsoday in sikale loodhigo ama labadalo.

Kadib markaan taariikhda siyaasadda dalkayna Soomaaliya dib u milicsanay waxaan ogaanay in aytahay caqabadda aan meelna lagaarilanahay siyaasadda kudhisan sadaxda awood sida “Madaxwayne, Ra’iisul wasaaraha iyo Afhayeenka Baarlamaanka”. Waxaan ognahay dhamaan maamuladii soomaray doowladihii kumeelgaarka ahaa lagabilaabo 1991 ilaa iyo hadda waxaa ragaadiyay khilaaf  udhaxeeyay sadaxda masuul ee kalahayay xilalka ‘madaxwaynaha, Ra’iisul wasaaraha iyo afhayaynka baarlamaanka’ kuwaas oo caado kadhigtay  in hadba labo hashiiso midna labursado.

Waxaa mumiim ah in an cashir kabarano taariikhdu waxa ay inabari maya in aan kunoqnoqono hal qalad mararbadan. Sidaas tarteed Xisbiga Tiir waxuu soojaydinayaa in lagasaaro dastuurka qabyada ah qodobka kusaabsan jagada “Ra’iisul Wasaaraha” si ay siyaasadda dalkaynu unoqoto midkudhisan labo awood ‘Madaxwayne iyo Golahiisii; Baarlamaan iyo Afhayaynkoodii’.  Haday taasi hirgasho sanadkan aan kujirno maamul cusubna sidaas lagudhiso waxaa hubaal ah in aan halayno siyaasad ku anbaqaadi doonta sihabsami ah.

Waayo waxaa meesha kabixi sadaxdii awood ay ayagoo ishaysta waqtigu kudhicijiray markaste. Waxaa imaani in labada awood sida golaha madaxwaynaha iyo golaha baarlamaanku ay wax iskudiidaan maalmo kadibna ay waxkuhashiiyaan halkaasna siwadajir ah ay horay oogu dhaqaaqaan. Waxaa hubaal ah wadankastoo kajira dunida in uu leeyahay dhaqan ugaar ah markastana siyaasadda dalkooda waxay kudhisaan siwaafaqsan dhaqankooda ugaarka ah si ay ooga badbaadaan khilaaf ragaadiya geedi socodka siyaasadda dalkooda.

Hadaba hadaynunahay umadda Soomaaliyeed maxuuyahay dhaqanka gaarka inoo ah aynkaga duwanahay dunida kale kuwaas ooleh ‘madaxwayne, Ra’iisulwasaare iyo afhayayn baarlamaan? Waxaan kaga duwanahay umadaha kale “Qabyaaled” waayo hadii sikaste looguqeexo dastuurka in uu yahay madaxwaynuhu magac uyaal, Ra’iisul wasaaruhuna leeyahay awood buuxda oo uukumaamulo wadanka, markaste oo madaxwaynuhu waayo waxuu jacelyahay waxuu lasoobixi kaarkii ‘qabyaaladda’ asagoo kudhawaaqi ‘YAATOLAY’.

Kadibna waxaad arki dad yaaci oo burburin waxkastoo kahoryimaada dadkaas oon marnaba dhagjalaq usiinaynin waxkastoo loosheego. Sidaas darteed, waxaamuhiim ah in dalkaynu yeesho siyaasad kudhisan labo awood ookaliyah. Haddanu nahay Xisbiga Tiir waxaan kulatalin gudiga asaxinta dastuurka in ay kasaaraan qodobka khuseeya Ra’iisul wasaaraha dastuurka cusub nidaam kaasna lugudhaqan galiyo maamulka talada qaban doona sanadkan aan kujirno. Waxii talobixin dheeraad ah ood ubaahataan waxaanu idiinlanahay diyaar markaste ee nalasooxiriira.

Mahadsanidiin
Maamulka Xisbiga Tiir
info@tiir.org
www.tiir.org

Baaq kusocda madaxda doowladda Soomaaliya

Dhamaan xubnaha TFG,

Assalamu Calayikum Waraxmatulaahi Wabarakaatuhu,

Ogu horayntii anagoo ah Xisbiga Tiir waxaa farxad noo ah in aan u mahad celino dhamaan xubnaha doowladda kumeelgaarka ah ee Soomaaliya shaqada qaran ay hayaan habeen iyo maalin.

Haddaanu nahay Xisbiga Tiir waxaa noomuuqda in ay jirto Isfahan la’aan siyaasadeed oo dhaxyaala madaxda sare ee doowladda kumeelgaarka ah. Taasna waxaalagu xalinkaraa in la’ixtiraamo hadba xubnaha baarlamaanku meesha codkoodu  ubato.

Haddaan la’ixtiraamin codka baarlamaanka meesha uu ubato waxaa dhicikarta in dalku yeesho dhamaadka bishan aan kujirno ee Abriil labo madaxweeyne, labo re’iisulwasaare iyo labo afhayayn baarlamaan.  Taasna waxay keeni kartaan khasaare badan oo soogaara dalka iyo dadka Soomaaliyeed.

Haday dhacdo in dalku yeesho madax labo-labo kakooban 30 Abriil oo ah bishaan aan kujirno, waxaad ogaataan madaxda TFG doow in ay guushu raaci hadba kooxdii hesha taageerada shacabka Soomaaliyeed. Waayo, Soomaaliya waxaa iskaleh Soomaali, bulshada caalamkuna waxay kuqasbanyihiin in ay taageeraan hadba kooxda haysata taageerada shacabka Soomaaliyeed.

Waxaa la’ogyahay in baarlamaanka Soomaaliya ay kulanyeeshayn kadibna u codeeyayn intoodii badnaayd in lagaqaado xilka afhayaynka baarlamaanka Shariif Hassan, kadibna waxay udoortayn gudoomiye baarlamaan Mudane Madoobe Nuunow Maxamed. Hasa ahaatee, ilaa iyo hadda madaxda doowladda kumeelgaarka ah wax ixtiraam ah maysan u muujinin codka tirada badan ee baarlamaadka.

Xaqiiqdii taasi waxay kayni kartaan in dalku yeesho madax tirobadan, taasoo ku ah meelkadhac wayn sharefta umadda Soomaaliyeed. Haddaanu nahay Xisbiga Tiir waxaan oogu baaqaynaa dhamaan madaxda sare ee doowladda TFG da in ay xushmeeyaan codka xubnaha baarlamaanka hadba maasha uu ubato waayo xilka ayhayaan waxay kuhelayn codka baarlamaanka.

Markastana xubnaha baarlamaaku waxay xaq uleeyihiin hadba kiishaqadiisa gudan waaya oo kamid ah madaxda sare ee doowladda TFG da in xilkii ay kaqaadaan midcusubna doortaa.  Ugu danbayntii, waxaan oogu baaqaynaa madaxda sare ee doowladda TFG da in ay isu tanaasulaan ayagoo isticmaali halkudhiga Xisbiga Tiir “Midnimo + Wadashaqayn + Isutanaasul = Hormar”.

Daacadnimo;
Maamulka Xisbiga Tiir
info@tiir.org
www.tiir.org

Baaq iyo dhiiro galin

Ogu horayntii, Xisbiga Tiir waxuu idiinka mahadcelinayaa shaqada aad uqabataan dadkiina iyo dalkiina xiligaan dhibka lagujiro, ayadoo inbadan oo idinkamid aheed ay naftoodii horay oogu weeday shaqada aad haysaan.

Xisbiga Tiir waxuu idin xasuusin hayaa in aad tihiin awooda oogu xoogbadan siyaasadda dalka Soomaaliya, xaqna u leedihiin ciddii kuxadgudubta hanaanka wanaagsan ee geedisocodka siyaasadda dalkiina in aad talaabo kadhan ah kaqaadaan hanoqoto ciddaas Madexweene, Ra