Category: Somali

Su,aal muhiim ah oo kusocota dhallinyarada

Markahore waxaan u mahadcelineynaa dhamaan dhalinyarada Soomaaliyeed ee kuhoowlan sidii waxlooga badalilahaa xaaladda dalkeena iyo dadkeena murugsan muddadadheer.

Dhallinyarooy dalkeenii iyo dadkeenii waxay marayaan xaalad kalaguur ah oo ubaahan in aan qeebteena kaqaadano silooga saaro dhibaatada dalkeena iyo dadkeena. Dhallinyarooy, sidaad wada ogtihiin horusocodka dalkeena waxaa ragaadiyay oo hortaagan kooxo kaladuwan oo wadta qorshayaal ayaga ugaar ah. Kooxahaas oo caado kadhigtay in aynan
isku tanaasulin siloo sooceliyo sharefteenii qaranimo ayn lahaanjirnay.

Dhallinyarooy, adduunyadu waligeed waxaa wax kabbadalijiray dhallinyarada, markaste ooy umadi kudhacdo dhibaato hogaanxumo iyo caddaaladdaro waxay dhallinyaradu bilaabijirayn isbadal cusub kaasoo uhorseeda waddo cusub oo hormar bulshadooda.

Tusaale, Imaam Axmad Guray markuu bilaabay kacdoonkii kadhanka ahaa boqortooyadii Itoobiya, kadibna uuqabsaday intabadan dalka Itoobiya waxuu jiray 22 sano. Sidookale, Sayid Maxamad Cabdile Xassan markuu bilaabay kacdoonkii ladagaalankii guumeesiga iyo raadintii midnimo Soomaaliyeed waxuujiray 39 sano. Si,lamid ah, 1956 SYL waxay udooratay in uu hogaamiyo xiligii xornima doonka Cabdullahi Issa Mohamud oo jiray 34 sano.

Kadib markii xoriyadda uu qaatay dalkeenu 1960, Ra,iisul Wasaarihii oogu horeeyay ee Soomaaliya waxuu ahaa Cabdirashiid Cali Sharmaake oo jiray 41 sano; kiikuxigayna waxuu ahaa Cabdirisaag Xaaji hussien oo jiray 40 sano; kiikuxigayna waxuu ahaa Muhammad Haji Ibrahim Egal oo jiray 39 sano.

Haddaan xusno taariikhda waddamada kale iyo dhalinyaradu doorka ay kulahaan jireyn hogaanka siyaasadda, Itoobiga waxaa hogaaminjiray dhallinyaro lagabilaabo 1916-1991. Tusaale, Haile Selassie waxuu qabtay hogaanka dalka Itoobiya asagoojira 24 sano, sidookale Mengistu Haile Mariam waxuu qabtay hogaanka dalka Itoobiya asagoojira 40 sano, silamid ah, Meles Zenawi waxuu qabtay hogaanka Itoobiga asagoojira 36 sano.

Haddaan xusno taariikhihii hore, markeey jirtay doowladdi Muslimiinta ee Umawiyiinta waxaajiray xilli dadku kukala sareyn jirayn midabka, qabiilka, maalka iyo waxii lamid ah. Kadib, waxaa hogaanka gacanta kudhigay Cumar ibnu Cabdul-caziz oo jiray 35 sano, kadibna waxuu baddalay dhamaan waxyaabihii qaldaadka ahaa ay kudhaqmijirtay doowladdii Umawiyiinta. Sidookale, Harun Al-Rashid oo jiray 23 sano ayaa hogaanka uqabtay doowladdii Muslimiinta ee Cabaasiyiinta, kadibna gaarsiiyay heer dhamaan umadaha kale ay usoodoontaan tacliinta, maamul wanaagga, iyo barashada tiknoolajiga.

Haddaba waxuu Xisbiga Tiir su,aal weediini dhamaan dhallinyarada Soomaaliyeed su,aashaas oo ah haddeey dhalintii hore badbaadiyayn bulshadoodii inaga maxaa inoodiiday in’aan hogaamino bulshadayne habacsan?

Baaq kusocda Afhayeenka iyo xubnaha Baarlamaanka

Markahore waxaan idiinka mahadcelinaynaa habsamida aad uhogaaminaysaan siyaasadda dalka iyo dadkeena Soomaaliyeed xiligaan xaaladda adag lagujiro.

Sida aan wada ognahay dalkeenu waxuukabaxay xiligii kumeelgaarka waxuuna galay xili uu caalamku utexgalin sida doowladaha caalamka kajira ookale. Haddaba waxaa muhiim ah in aad la’imaataan taxadar dheeraad ah, waxii qaldaad ahaa ee horay udhacay in aad waxkabarataan kuna dadaashaan in aynaan kunoqnoqonin mararbadan halqalad.

Haddaanunahay Xisbiga Tiir waxaan idin xasuusinaynaa waxa ragaadiyay siyaasadda dalkeena inay tahay labo arimood: nidaamka waxlugu qeebsado ee “Qabiilka” oo looyaqaan “4.5” iyo siyaasadda kudhisan sadexda awood sida “Madaxwaynaha, Ra’iisul wasaaraha iyo Afhayaynka Baarlamaanka” kuwaas oo sidaan wada ognahay dabeecad ay u ahaanjirtay isqabqabsi aan dhamaanaynin iyo isutanaasul la’aan.  Xaqiiqadu waxaytahay haddii idinku aynaan badalin labadaas arimood way adagtahay in waxlagabadalo geedi socodka siyaasadda dalkeena.

Intabadan umadaha dunida kajira, waxay soomarayn xiliyo ay dadkoodu kukala sarayn jirayn siyaabo kaladuwan sida qabiilka, midabka, rag ama dumar, iyo waxyaabo kale oo farabadan. Sikastaba ha’ahaatee mudokadib way kagudbi jirayn dhaqankaas jahliga ah waxayna kutalaabo qaadijirayn nidaam cusub oo tilmaamaya in dadkoodu kudoortaan madaxdooda aqoonta, kartida, wanaaga iyo waxiilamid ah.

Haddaanu nahay Xisbiga Tiir waxaan idinxasuusinaynaa in siyaasadda dalkeenu kusocday 21 giisano ee lasoodhaafay in uu ahaa nidaamka 4.5 iyo sadaxda awood ee isbarbarsocota. Sikastaba ha’ahaatee ma’inooshaqaynin, hadaba waxaa lajoogaa xiligii aad waxkabaran laheedayn waxiitagay dalka iyo dadka Soomaaliyeed na aad uhorseedi laheedayn nidaam siyaasadeed  cusub.

Haddaanu nahay Xisbiga Tiir waxaan idinka codsonaynaa inaad kubadashaan nidaamka 4.5 “Xisbi-Xisbi”. Sidookale inaad kasaartaan dastuurka qaranka “Jagada Ra’iisul Wasaaraha” siloohelo siyaasad kudhisan labo gole sida “Golaha madaxwaynaha ooy kulamaantahay, madaxwayne kuxigayn, wasiiro” iyo “Golaha baarlamaanka iyo afhayankooda”. Nidaamkaas waxuusahli in shaqsiga lagudoorto kartidiisa, aqoontiisa, iyo waxqabadkiisa ookaliyah.  Arintaas waa talaabo la’idiinka baahan yahay  in aad kashaqaysaan hadda siloodhaqan galiyo doorashada guud ee soosocota.

Kadib mudodheer oon waxkuqeeb saneenay nidaamka 4.5, guulaystooyin madaxdii dalka iyo dadkoow hadda ayaa lajoogaa xiligii aad kubadali laheedayn “xisbi-xisbi”. Kadib mudodheer oon kusoconay siyaasad kudhisan sadex awood, guulaystooyin madaxdii dalka iyo dadkoow hadda ayaa lajoogaa xiligii aad kubadali laheedayn siyaasad kudhisan labo gole sida: “Golaha madaxweenaha iyo  Golaha baarlamaan”.  Xisbiga Tiir waxuu diyaar idiinlayahay inuu idinka caawiyo badalista labadaas arimood, hiil iyo hoona waan idinlagarab taaganyahay marwalba ood nasoo codsataan.

Maamulka Xisbiga Tiir,
info@tiir.org
www.tiir.org

Baaq kusocda Doowladda Somalia

Mudane Madaxweyne iyo Mudane Ra’iisul Wasaare, markahore waxaan idiinka mahad calinaynaa wadashaqaynta wacan ee aad muujiseyn khilaafkan hadda kahor.

Waxaa xaqiiqo ah in dalkiina iyo dadkiina Soomaaliyeed idinka sugayaan waxqabad iyo hormar aad gaarsiisaan, markastana badbaadada dalkiina iyo dadkiina aad kahormarisaan khilaafka dhaxdiina ah iyo danaha siyaasadeed eed leedihiin.

Waxaa muhiimah in aad ogaataan khilaafku in uusan ufiicneyn siyaasadiina shaqsi ahaaneyd iyo midda guud ee qaranka Soomaaliya. Sidaas darteed waxaan idiinku baaqeynaa in aan meeldhaxe iskugu imaataan idinkoo isutanaasulaaya, danta guud ee dalka iyo dadkana aad kawada shaqeysaan idinkoo wadajira.  Waxaan idin xasuusineynaa in taariikhdu qoreyso ficillada aad sameysaan maanta siyaasaddiina mustaqbalkana eyraad kuyeelan doonto.

Xildhibaanada qaranka Soomaaliyeed waxaan idiinku baaqeynaa in aad kusaleysaan codkiina waxa uu kujiro danta qaranka Soomaaliyeed oo kaliyah maya in aad lakala safataan labada mas’uul ee khilaafku kadhaxeeyo. Waxaan idinxasuusin neynaa in aad tiihiin kuwa loobaahan yahay in ey door muhiim ah kaciyaaraan marka xaaladdu murugto marwalbana aad kashaqeysaan danaha dalka iyo dadka Soomaaliyeed maya in aad ahaataan kuwo mas’uuliyiinta sare kufushadaan danahooda siyaasadeed ee khaaska ah.

Waxaan oogu baaqeynaa dhamaan siyaasiyiinta Soomaaliya: Xildhibaanada, Madaxweenaha, Ra’iisul Wasaaraha iyo Golaha Wasiirada, in aad dhinac iskadhigtaan waxkaste oo khilaaf dhaxdiina ah idinkoo fiirinaaya danaha dalka iyo dadka Soomaaliyeed ee tabaaleysan maanta.

Mudanayaal, Xisbiga Tiir waxuu diyaar idiinlayahay hiil iyo hoo hadba kaad ubaahataan si’aan u badbaadino dalkeena iyo dadkeena xaaladda adag kujira maanta. Waxaan diyaar idiinlanahay in aan idingarab istaagno si’aan wadajir oogu badbaadino qarankeena Soomaaliyeed.

Mahadsanidiin
Maamulka Xisbiga Tiir
info@tiir.org
www.tiir.org

Baaqa Nabadda

Dhamaan umadda Somaaliyeed waxaan xasuusi naynaa in loobaahan yahay in aan ogaano in umad kastoo kajirta dunida caalamka in mar taariikhdooda kamid ah ay dagaalamayn sidaynookale. Maalmo kadibna way xaliyayn dhibaatadoodii, kadibna wadajir ayay horay oogu dhaqaaqayn.

Umaduhu markay dagaalamaan waxay iskugu yimaadaan miiska wadaxaajoodka ayagoo kawada shaqayn sidii loosoo afjari lahaa dhibaatada dhaxtaala, loona abuurilahaa nabad waarta. Haddaba waxaa iswaydiin mudan maxaytahay sababta aan laxalin waynay isfhan la aanta ina dhextaala mudada dheer hadaynu nahay umada Soomaaliyeed?

Si aynu uxalino dhibkayna, waxaan ubaahan nahay in aan ogaano nabaddu in ay kujirto gacantayna loona baahan yahay in aan wadajir ooga shaqayno. Lagasoo bilaabo markay burburtay doowlad daynii 1991 waxaan caado kadhiganay in aan kudhaqano waxa burburin nabadda, khilaafkana hormarin sida isku kaalmaynta gardarada, qabyaaladda, iyo aflagaadada la isku siimarin saxaafadda.

Waxaan ubaahan nahay in aan ogaano hadaan nabadda lagawada shaqaynin, lakala roonaanin, in ay naan marna gaaraynin hashiis, waayo nabadu waa hadyad ka imaata xaga Alle loona baahan yahay in uu qofkaste kabilaabo naftiisa asagoo amaan siinaaya dadkakale. Hadaad tahay qof ama koox Soomaali ah oo raadini nabad, daacadna ka ah waxaa muhiim ah in aad kafikirtaan markahore sidaad naftiina oogadhigi lahaydayn mid dulqaadleh, kana hofan qabyaalaadda iyo daacadnimo darada.

Waamuhiim in aan kafiirsano arayada aan isticmaalayno markaan kahadlayno shirarka ama saxaafadda, markastana kadhigno hadalkayna mid miisaaman oo taxadarleh. Waayo mafiicno in uu qof walaal kaa ah kuugu qaado colaad hadalkaad tiri dartiis. Sidaas darteed waamuhiim qofkaste ama kooxkaste oo ah Soomaali kana hadlaaya fagaare ama saxaafad in ay ilaaliyaan areyadooda.

Waamuhiim in uu ogaado qofkastoo ah Soomaali hadalku in uusan colaada waxba katarin, laakiin nabadda uu ciribtiro. Hadday inagatahay run raadinta nabadda waamuhiim in aan isxushmayno, isqadarino, isku tanaasulno, isku tashano. Waamuhiim in aan ogaano dhihidda areyo xadgudub ku ah dadkale oo Soomaaliyeed in ay dhaawici walaaltinimada.

Waamuhiim in aan ogaano maalin kastoo inadhaafta in dadkaynu usiikordhi dhibaato badan meelkaste oo joogaan sida dhaqanguurka, macaluusha, baracada, cudurada, biyo la-aanta, dagaalka iyo waxiilamid ah. Waamuhiim in aan isdabaqabano, kana wada shaqayno sidii loosoo afjari lahaa dagaalka ragaadisay dalkayna iyo adkayna. Waamuhiim in aan waxkabarano waxiitagay saan xal oogu helno tataagan iyo tasoosocota.

Waamuhiim in aan waxkabadalno siyaasadda dalkayna ay kudhisan 4.5 (qabiilka) laguna baddalo siyaasad kudhisan

Mahadcalin kusocota Madaxda Soomaaliya

Xisbiga Tiir waxuu mahadcelin udirayaa dhamaan madaxda Soomaaliya sida ay uxaliyayn khilaafkii sookala dhaxgalay Madaxweenaha iyo Ra’iisul Wasaaraha ayagoon kabix dalkeena Soomaaliya gudahiisa. Xaqiiqdii arintaas waataariikhi, waayo lagasoo bilaabo 1991 waa markii oogu horeesay oo khilaafka sookala dhaxgala madaxda Soomaaliya laguxaliyo dalka gudahiisa. Hogaan wanaagaas waxaa iskaleh ooy taariikhdu siquruxbadan uqori doontaa madaxda dalka hogaamisa hadda.  Xisbiga Tiir waxuu oogu baaqi madaxda dalka in ay kudadaalaan isutanaasul, wadashaqayn, wadajir, walaaltinimo, iyo in ay kuxaliyaan dalka Soomaaliya daxdiisa khilaaf kaste oo kuyimaada ayaga dhaxdooda. Xisbiga Tiir waxuu oogu baaqi Madaxweenaha Soomaaliya Mudane Hassan Sheikh Mohamoud in uu kudoorto Ra’iisul Wasaaraha cusub aqoontiisa, kartidiisa, iyo wadanjaceelkiisa, maya qabiilka uuyahay, waayo qabiil iyo qaran isma dhaxgali karaan. Xisbiga Tiir waxuu dhamaan Xildhibaanada Soomaaliya oogu baaqayaa in ay kubadalaan nidaamka 4.5 “Xisbi-Xisbi” si-qabyaaladda la’isku bahaysan uyaraato. Sidookale in aad kasaartaan dastuurka qaranka “Jagada Ra’iisul Wasaaraha” kuna badashaan nidaam kudhisan sadex awood “Golaha madaxweenaha, Golaha baarlamaanka iyo Golha maxkamadda sare” waayo nidaam kaas waxuu yarayni khilaafka kadhaca madaxtooyada. Xisbiga Tiir waxuu xasuusin Xildhibaanada qaran  in lajoogo xiligii nidaamka 4.5 lagu badali lahaa “xisbi-xisbi” siyaasadda dalkeenuna qaadanlahayd waddo cusub. Xildhibaanadii dalkoow, waxaa lajoogaa xiligii siyaasadda kudhisan sadexda awood “Madaxweene, Ra’iisul wasaare iyo Baarlamaan”, lugu badali lahaa mid kudhisan sadex gole: “Golaha madaxweenaha oo kakooban ‘madaxweene, madaxweene kuxigayn iyo wasiiro,  Golaha baarlamaan, iyo Golaha Maxkamadda sare” nidaamkaas waxuu u horseedi dalkeena siyaasad kudhisan awood isudheeli tiran. Madaxdii qaranka Soomaaliyeedoow, Xisbiga Tiir marwalba waxuu diyaar idiinlayahay hiil iyo hoo waayo waxaa naga go’an in aan wadajir ubadbaadino qarankeena. Maamulka Xisbiga Tiir info@tiir.org www.tiir.org

Xisbiga Tiir oo weydiiyey su,aal muhiim ah dhallinyarada Soomaaliyeed

Markahore waxaan u mahadcelineynaa dhamaan dhalinyarada Soomaaliyeed ee kuhoowlan sidii waxlooga badalilahaa xaaladda dalkeena iyo dadkeena murugsan muddadadheer.

Dhallinyarooy dalkeenii iyo dadkeenii waxay marayaan xaalad kalaguur ah oo ubaahan in aan qeebteena kaqaadano silooga saaro dhibaatada dalkeena iyo dadkeena. Dhallinyarooy, sidaad wada ogtihiin horusocodka dalkeena waxaa ragaadiyay oo hortaagan kooxo kaladuwan oo wadta qorshayaal ayaga ugaar ah. Kooxahaas oo caado kadhigtay in aynan
isku tanaasulin siloo sooceliyo sharefteenii qaranimo ayn lahaanjirnay.

Dhallinyarooy, adduunyadu waligeed waxaa wax kabbadalijiray dhallinyarada, markaste ooy umadi kudhacdo dhibaato hogaanxumo iyo caddaaladdaro waxay dhallinyaradu bilaabijirayn isbadal cusub kaasoo uhorseeda waddo cusub oo hormar bulshadooda.

Tusaale, Imaam Axmad Guray markuu bilaabay kacdoonkii kadhanka ahaa boqortooyadii Itoobiya, kadibna uuqabsaday intabadan dalka Itoobiya waxuu jiray 22 sano. Sidookale, Sayid Maxamad Cabdile Xassan markuu bilaabay kacdoonkii ladagaalankii guumeesiga iyo raadintii midnimo Soomaaliyeed waxuujiray 39 sano. Si,lamid ah, 1956 SYL waxay udooratay in uu hogaamiyo xiligii xornima doonka Cabdullahi Issa Mohamud oo jiray 34 sano.

Kadib markii xoriyadda uu qaatay dalkeenu 1960, Ra,iisul Wasaarihii oogu horeeyay ee Soomaaliya waxuu ahaa Cabdirashiid Cali Sharmaake oo jiray 41 sano; kiikuxigayna waxuu ahaa Cabdirisaag Xaaji hussien oo jiray 40 sano; kiikuxigayna waxuu ahaa Muhammad Haji Ibrahim Egal oo jiray 39 sano.

Haddaan xusno taariikhda waddamada kale iyo dhalinyaradu doorka ay kulahaan jireyn hogaanka siyaasadda, Itoobiga waxaa hogaaminjiray dhallinyaro lagabilaabo 1916-1991. Tusaale, Haile Selassie waxuu qabtay hogaanka dalka Itoobiya asagoojira 24 sano, sidookale Mengistu Haile Mariam waxuu qabtay hogaanka dalka Itoobiya asagoojira 40 sano, silamid ah, Meles Zenawi waxuu qabtay hogaanka Itoobiga asagoojira 36 sano.

Haddaan xusno taariikhihii hore, markeey jirtay doowladdi Muslimiinta ee Umawiyiinta waxaajiray xilli dadku kukala sareyn jirayn midabka, qabiilka, maalka iyo waxii lamid ah. Kadib, waxaa hogaanka gacanta kudhigay Cumar ibnu Cabdul-caziz oo jiray 35 sano, kadibna waxuu baddalay dhamaan waxyaabihii qaldaadka ahaa ay kudhaqmijirtay doowladdii Umawiyiinta. Sidookale, Harun Al-Rashid oo jiray 23 sano ayaa hogaanka uqabtay doowladdii Muslimiinta ee Cabaasiyiinta, kadibna gaarsiiyay heer dhamaan umadaha kale ay usoodoontaan tacliinta, maamul wanaagga, iyo barashada tiknoolajiga.

Haddaba waxuu Xisbiga Tiir su,aal weediini dhamaan dhallinyarada Soomaaliyeed su,aashaas oo ah haddeey dhalintii hore badbaadiyayn bulshadoodii inaga maxaa inoodiiday in’aan hogaamino bulshadayne habacsan?

Baaq kusocda Afhayeenka iyo dhamaan xubnaha Baarlamaanka Soomaaliya

Markahore waxaan idiinka mahadcelinaynaa habsamida aad uhogaaminaysaan siyaasadda dalka iyo dadkeena Soomaaliyeed xiligaan xaaladda adag lagujiro.

Sida aan wada ognahay dalkeenu waxuukabaxay xiligii kumeelgaarka waxuuna galay xili uu caalamku utexgalin sida doowladaha caalamka kajira ookale. Haddaba waxaa muhiim ah in aad la’imaataan taxadar dheeraad ah, waxii qaldaad ahaa ee horay udhacay in aad waxkabarataan kuna dadaashaan in aynaan kunoqnoqonin mararbadan halqalad.

Haddaanunahay Xisbiga Tiir waxaan idin xasuusinaynaa waxa ragaadiyay siyaasadda dalkeena inay tahay labo arimood: nidaamka waxlugu qeebsado ee “Qabiilka” oo looyaqaan “4.5” iyo siyaasadda kudhisan sadexda awood sida “Madaxwaynaha, Ra’iisul wasaaraha iyo Afhayaynka Baarlamaanka” kuwaas oo sidaan wada ognahay dabeecad ay u ahaanjirtay isqabqabsi aan dhamaanaynin iyo isutanaasul la’aan.  Xaqiiqadu waxaytahay haddii idinku aynaan badalin labadaas arimood way adagtahay in waxlagabadalo geedi socodka siyaasadda dalkeena.

Intabadan umadaha dunida kajira, waxay soomarayn xiliyo ay dadkoodu kukala sarayn jirayn siyaabo kaladuwan sida qabiilka, midabka, rag ama dumar, iyo waxyaabo kale oo farabadan. Sikastaba ha’ahaatee mudokadib way kagudbi jirayn dhaqankaas jahliga ah waxayna kutalaabo qaadijirayn nidaam cusub oo tilmaamaya in dadkoodu kudoortaan madaxdooda aqoonta, kartida, wanaaga iyo waxiilamid ah.

Haddaanu nahay Xisbiga Tiir waxaan idinxasuusinaynaa in siyaasadda dalkeenu kusocday 21 giisano ee lasoodhaafay in uu ahaa nidaamka 4.5 iyo sadaxda awood ee isbarbarsocota. Sikastaba ha’ahaatee ma’inooshaqaynin, hadaba waxaa lajoogaa xiligii aad waxkabaran laheedayn waxiitagay dalka iyo dadka Soomaaliyeed na aad uhorseedi laheedayn nidaam siyaasadeed  cusub.

Haddaanu nahay Xisbiga Tiir waxaan idinka codsonaynaa inaad kubadashaan nidaamka 4.5 “Xisbi-Xisbi”. Sidookale inaad kasaartaan dastuurka qaranka “Jagada Ra’iisul Wasaaraha” siloohelo siyaasad kudhisan labo gole sida “Golaha madaxwaynaha ooy kulamaantahay, madaxwayne kuxigayn, wasiiro” iyo “Golaha baarlamaanka iyo afhayankooda”. Nidaamkaas waxuusahli in shaqsiga lagudoorto kartidiisa, aqoontiisa, iyo waxqabadkiisa ookaliyah.  Arintaas waa talaabo la’idiinka baahan yahay  in aad kashaqaysaan hadda siloodhaqan galiyo doorashada guud ee soosocota.

Kadib mudodheer oon waxkuqeeb saneenay nidaamka 4.5, guulaystooyin madaxdii dalka iyo dadkoow hadda ayaa lajoogaa xiligii aad kubadali laheedayn “xisbi-xisbi”. Kadib mudodheer oon kusoconay siyaasad kudhisan sadex awood, guulaystooyin madaxdii dalka iyo dadkoow hadda ayaa lajoogaa xiligii aad kubadali laheedayn siyaasad kudhisan labo gole sida: “Golaha madaxweenaha iyo  Golaha baarlamaan”.  Xisbiga Tiir waxuu diyaar idiinlayahay inuu idinka caawiyo badalista labadaas arimood, hiil iyo hoona waan idinlagarab taaganyahay marwalba ood nasoo codsataan.

Maamulka Xisbiga Tiir,
info@tiir.org
www.tiir.org

Away dhalintii Soomaaliyeed?

Dhamaan dhalinyarad Soomaaliyeed ay kunool dunida dacaladayda waxaan xasuusinaynaa in ay cashir kabartaan waxa kadhacaaya dalka Masar iyo meelo badan oo dunida kale ah.

Waxaa xaqiiqa ah isbaddalada kadhaca dunida waxaa lafdhabar u ah dhalinyaro. Haddaba su’aashu waxaytahay,  maxaa inagudhacay haddaynu nahay dhalinyarada  Soomaaliyeed oon wax ooga badaliwaynay xaaladda dalkayna ay murugsan muddadadheer?

Lagasoobilaabo 1529 qarniigii Imam Ahmed Guray, dhalinyarada Soomaaliyeed waxay ahaanjirayn kuwo firfircoon markastana kashaqeeya wanaaga dalkooda, dadkooda, iyo  midnimada Soomaaliyeed. Maantana dhalinyaradii  Soomaaliyeed waxay kukala jirnaan kooxo kalawata magacyo iyo mabaadii kaladuwan kooxahas oon waxkufalaynin wanaaga dalkayna iyo dalkayna.

Haddaba su’aashu waxaytahay haddaynu nahay dhalinyaradii Soomaaliyeed, maxaa inaga qaaday kartidii aan lahaanjirnay oo inaga dhigay hannaadyo qabaan u ah kooxo danaystayaal ah?

Dhamaan dhalinyarada Soomaaliyeed waxaan oogu baaqaynaa in ay kaqeebqaataan kacdoonka Xisbiga Tiir oo kagaduwan dhamaan xisbiyadakale ay siyaasiga ah todobadaan qodob ay hooskuqoran iyo kuwakale:

1)      Waa xisbigii oogu horeeyay ay lugudhawaaqay in uu yahay siyaasi.

2)      Waa xisbigii oogu horeeyay ay kahoryimaada nidaamka 4.5 si’bublik ah.

3)      Waa xisbiga kaliyah ooy aas aasayn, hogaakana u hayaan dhalinyaro Soomaaliyeed.

4)      Waa xisbiga kaliyah oo xubnahiisu intooda badan ay yihiin dhalinyaro.

5)      Waa xisbiga kaliyah oo xubno kuleh 16 wadan oo dunida kamid ah.

6)      Waa xisbiga kaliyah oo aaminsan halkudhaga “U isticmaal waxiitagay taariikh, maya aargoosi. U isticmaal mustaqbelka in aad dhisitd, maya in aad dumisid”.

7)      Waa xiisbiga kaliyah oo aaminsan in xalka dalkayna loogu raadiyo halkudhiga “Haddaan lakala roonaan roob madao”.

Dhamaan dhalinyarada Soomaaliyeed waxaan oogu baaqaynaa in ay kaqaybqaataan kacdoonka ay wadaan dhalinyarada Soomaaliyeed ay kubahoobay Xisbiga Tiir oo ah xisbiga kaliyah oo leh qorshayaal cadcad oo lugubadbaadin dalkayna baaba ay iyo dadkayna tabaalaysan.

Dhamaan dhalinyarada Soomaaliyeed waxaan oogu baaqaynaa in ay nalasooxiriiraan si’aan wadajir oogu badbaadino dalkayna iyo dalkayna kujira xaaladda cakiran ayagoo nagalasooxiriiri website ka xisbiga Tiir  oo kuqoran Afsoomaali iyo English. www.tiir.org.

 

Maamulka Xisbiga Tiir
info@tiir.org
www.tiir.org

Guddiga Asaxinta Dastuurka

Baaq kusocda Guddiga Asaxinta Dastuurka Cusub ay Soomaaliya.

Anoo ah Fadhil Sh.Mohamud Gudoomiyaha Xisbiga Tiir kunahadlaaya dhamaan codka xubnaha xisbiga ee kalajooga daafyaha caalamka waxaan ooga mahadcalin xubnaha guddiga dastuurka cusub sida waqtigooda qiimaha badan ay ugaliyayn iskudubaridka dastuurka dalka iyo dadkayaga Soomaaliyeed.

Hadaanu nahay Xisbiga Tiir waan akhrinay dhamaan qodobada dastuurka cusub ee qabyada ah. Waxbadan oo kamid ah qodobada dastuurka waxaa talobixin kadhiibtay dadkaladuwan oo Soomaaliyeed kuwaasoo soojeediyay in sikale loodhigo qodobada qaarkood. Sikastaba hanoqotee waxaa noocadaatay in ay jirto qodob kamuhiimsan dhamaan qodobada lacodsoday in sikale loodhigo ama labadalo.

Kadib markaan taariikhda siyaasadda dalkayna Soomaaliya dib u milicsanay waxaan ogaanay in aytahay caqabadda aan meelna lagaarilanahay siyaasadda kudhisan sadaxda awood sida “Madaxwayne, Ra’iisul wasaaraha iyo Afhayeenka Baarlamaanka”. Waxaan ognahay dhamaan maamuladii soomaray doowladihii kumeelgaarka ahaa lagabilaabo 1991 ilaa iyo hadda waxaa ragaadiyay khilaaf  udhaxeeyay sadaxda masuul ee kalahayay xilalka ‘madaxwaynaha, Ra’iisul wasaaraha iyo afhayaynka baarlamaanka’ kuwaas oo caado kadhigtay  in hadba labo hashiiso midna labursado.

Waxaa mumiim ah in an cashir kabarano taariikhdu waxa ay inabari maya in aan kunoqnoqono hal qalad mararbadan. Sidaas tarteed Xisbiga Tiir waxuu soojaydinayaa in lagasaaro dastuurka qabyada ah qodobka kusaabsan jagada “Ra’iisul Wasaaraha” si ay siyaasadda dalkaynu unoqoto midkudhisan labo awood ‘Madaxwayne iyo Golahiisii; Baarlamaan iyo Afhayaynkoodii’.  Haday taasi hirgasho sanadkan aan kujirno maamul cusubna sidaas lagudhiso waxaa hubaal ah in aan halayno siyaasad ku anbaqaadi doonta sihabsami ah.

Waayo waxaa meesha kabixi sadaxdii awood ay ayagoo ishaysta waqtigu kudhicijiray markaste. Waxaa imaani in labada awood sida golaha madaxwaynaha iyo golaha baarlamaanku ay wax iskudiidaan maalmo kadibna ay waxkuhashiiyaan halkaasna siwadajir ah ay horay oogu dhaqaaqaan. Waxaa hubaal ah wadankastoo kajira dunida in uu leeyahay dhaqan ugaar ah markastana siyaasadda dalkooda waxay kudhisaan siwaafaqsan dhaqankooda ugaarka ah si ay ooga badbaadaan khilaaf ragaadiya geedi socodka siyaasadda dalkooda.

Hadaba hadaynunahay umadda Soomaaliyeed maxuuyahay dhaqanka gaarka inoo ah aynkaga duwanahay dunida kale kuwaas ooleh ‘madaxwayne, Ra’iisulwasaare iyo afhayayn baarlamaan? Waxaan kaga duwanahay umadaha kale “Qabyaaled” waayo hadii sikaste looguqeexo dastuurka in uu yahay madaxwaynuhu magac uyaal, Ra’iisul wasaaruhuna leeyahay awood buuxda oo uukumaamulo wadanka, markaste oo madaxwaynuhu waayo waxuu jacelyahay waxuu lasoobixi kaarkii ‘qabyaaladda’ asagoo kudhawaaqi ‘YAATOLAY’.

Kadibna waxaad arki dad yaaci oo burburin waxkastoo kahoryimaada dadkaas oon marnaba dhagjalaq usiinaynin waxkastoo loosheego. Sidaas darteed, waxaamuhiim ah in dalkaynu yeesho siyaasad kudhisan labo awood ookaliyah. Haddanu nahay Xisbiga Tiir waxaan kulatalin gudiga asaxinta dastuurka in ay kasaaraan qodobka khuseeya Ra’iisul wasaaraha dastuurka cusub nidaam kaasna lugudhaqan galiyo maamulka talada qaban doona sanadkan aan kujirno. Waxii talobixin dheeraad ah ood ubaahataan waxaanu idiinlanahay diyaar markaste ee nalasooxiriira.

Mahadsanidiin
Maamulka Xisbiga Tiir
info@tiir.org
www.tiir.org

Baaq kusocda madaxda doowladda Soomaaliya

Dhamaan xubnaha TFG,

Assalamu Calayikum Waraxmatulaahi Wabarakaatuhu,

Ogu horayntii anagoo ah Xisbiga Tiir waxaa farxad noo ah in aan u mahad celino dhamaan xubnaha doowladda kumeelgaarka ah ee Soomaaliya shaqada qaran ay hayaan habeen iyo maalin.

Haddaanu nahay Xisbiga Tiir waxaa noomuuqda in ay jirto Isfahan la’aan siyaasadeed oo dhaxyaala madaxda sare ee doowladda kumeelgaarka ah. Taasna waxaalagu xalinkaraa in la’ixtiraamo hadba xubnaha baarlamaanku meesha codkoodu  ubato.

Haddaan la’ixtiraamin codka baarlamaanka meesha uu ubato waxaa dhicikarta in dalku yeesho dhamaadka bishan aan kujirno ee Abriil labo madaxweeyne, labo re’iisulwasaare iyo labo afhayayn baarlamaan.  Taasna waxay keeni kartaan khasaare badan oo soogaara dalka iyo dadka Soomaaliyeed.

Haday dhacdo in dalku yeesho madax labo-labo kakooban 30 Abriil oo ah bishaan aan kujirno, waxaad ogaataan madaxda TFG doow in ay guushu raaci hadba kooxdii hesha taageerada shacabka Soomaaliyeed. Waayo, Soomaaliya waxaa iskaleh Soomaali, bulshada caalamkuna waxay kuqasbanyihiin in ay taageeraan hadba kooxda haysata taageerada shacabka Soomaaliyeed.

Waxaa la’ogyahay in baarlamaanka Soomaaliya ay kulanyeeshayn kadibna u codeeyayn intoodii badnaayd in lagaqaado xilka afhayaynka baarlamaanka Shariif Hassan, kadibna waxay udoortayn gudoomiye baarlamaan Mudane Madoobe Nuunow Maxamed. Hasa ahaatee, ilaa iyo hadda madaxda doowladda kumeelgaarka ah wax ixtiraam ah maysan u muujinin codka tirada badan ee baarlamaadka.

Xaqiiqdii taasi waxay kayni kartaan in dalku yeesho madax tirobadan, taasoo ku ah meelkadhac wayn sharefta umadda Soomaaliyeed. Haddaanu nahay Xisbiga Tiir waxaan oogu baaqaynaa dhamaan madaxda sare ee doowladda TFG da in ay xushmeeyaan codka xubnaha baarlamaanka hadba maasha uu ubato waayo xilka ayhayaan waxay kuhelayn codka baarlamaanka.

Markastana xubnaha baarlamaaku waxay xaq uleeyihiin hadba kiishaqadiisa gudan waaya oo kamid ah madaxda sare ee doowladda TFG da in xilkii ay kaqaadaan midcusubna doortaa.  Ugu danbayntii, waxaan oogu baaqaynaa madaxda sare ee doowladda TFG da in ay isu tanaasulaan ayagoo isticmaali halkudhiga Xisbiga Tiir “Midnimo + Wadashaqayn + Isutanaasul = Hormar”.

Daacadnimo;
Maamulka Xisbiga Tiir
info@tiir.org
www.tiir.org