Baaq kusocda madaxda doowladda Soomaaliya

Dhamaan xubnaha TFG,

Assalamu Calayikum Waraxmatulaahi Wabarakaatuhu,

Ogu horayntii anagoo ah Xisbiga Tiir waxaa farxad noo ah in aan u mahad celino dhamaan xubnaha doowladda kumeelgaarka ah ee Soomaaliya shaqada qaran ay hayaan habeen iyo maalin.

Haddaanu nahay Xisbiga Tiir waxaa noomuuqda in ay jirto Isfahan la’aan siyaasadeed oo dhaxyaala madaxda sare ee doowladda kumeelgaarka ah. Taasna waxaalagu xalinkaraa in la’ixtiraamo hadba xubnaha baarlamaanku meesha codkoodu  ubato.

Haddaan la’ixtiraamin codka baarlamaanka meesha uu ubato waxaa dhicikarta in dalku yeesho dhamaadka bishan aan kujirno ee Abriil labo madaxweeyne, labo re’iisulwasaare iyo labo afhayayn baarlamaan.  Taasna waxay keeni kartaan khasaare badan oo soogaara dalka iyo dadka Soomaaliyeed.

Haday dhacdo in dalku yeesho madax labo-labo kakooban 30 Abriil oo ah bishaan aan kujirno, waxaad ogaataan madaxda TFG doow in ay guushu raaci hadba kooxdii hesha taageerada shacabka Soomaaliyeed. Waayo, Soomaaliya waxaa iskaleh Soomaali, bulshada caalamkuna waxay kuqasbanyihiin in ay taageeraan hadba kooxda haysata taageerada shacabka Soomaaliyeed.

Waxaa la’ogyahay in baarlamaanka Soomaaliya ay kulanyeeshayn kadibna u codeeyayn intoodii badnaayd in lagaqaado xilka afhayaynka baarlamaanka Shariif Hassan, kadibna waxay udoortayn gudoomiye baarlamaan Mudane Madoobe Nuunow Maxamed. Hasa ahaatee, ilaa iyo hadda madaxda doowladda kumeelgaarka ah wax ixtiraam ah maysan u muujinin codka tirada badan ee baarlamaadka.

Xaqiiqdii taasi waxay kayni kartaan in dalku yeesho madax tirobadan, taasoo ku ah meelkadhac wayn sharefta umadda Soomaaliyeed. Haddaanu nahay Xisbiga Tiir waxaan oogu baaqaynaa dhamaan madaxda sare ee doowladda TFG da in ay xushmeeyaan codka xubnaha baarlamaanka hadba maasha uu ubato waayo xilka ayhayaan waxay kuhelayn codka baarlamaanka.

Markastana xubnaha baarlamaaku waxay xaq uleeyihiin hadba kiishaqadiisa gudan waaya oo kamid ah madaxda sare ee doowladda TFG da in xilkii ay kaqaadaan midcusubna doortaa.  Ugu danbayntii, waxaan oogu baaqaynaa madaxda sare ee doowladda TFG da in ay isu tanaasulaan ayagoo isticmaali halkudhiga Xisbiga Tiir “Midnimo + Wadashaqayn + Isutanaasul = Hormar”.

Daacadnimo;
Maamulka Xisbiga Tiir
info@tiir.org
www.tiir.org

Leave a Reply