Guddiga Asaxinta Dastuurka

Baaq kusocda Guddiga Asaxinta Dastuurka Cusub ay Soomaaliya.

Anoo ah Fadhil Sh.Mohamud Gudoomiyaha Xisbiga Tiir kunahadlaaya dhamaan codka xubnaha xisbiga ee kalajooga daafyaha caalamka waxaan ooga mahadcalin xubnaha guddiga dastuurka cusub sida waqtigooda qiimaha badan ay ugaliyayn iskudubaridka dastuurka dalka iyo dadkayaga Soomaaliyeed.

Hadaanu nahay Xisbiga Tiir waan akhrinay dhamaan qodobada dastuurka cusub ee qabyada ah. Waxbadan oo kamid ah qodobada dastuurka waxaa talobixin kadhiibtay dadkaladuwan oo Soomaaliyeed kuwaasoo soojeediyay in sikale loodhigo qodobada qaarkood. Sikastaba hanoqotee waxaa noocadaatay in ay jirto qodob kamuhiimsan dhamaan qodobada lacodsoday in sikale loodhigo ama labadalo.

Kadib markaan taariikhda siyaasadda dalkayna Soomaaliya dib u milicsanay waxaan ogaanay in aytahay caqabadda aan meelna lagaarilanahay siyaasadda kudhisan sadaxda awood sida “Madaxwayne, Ra’iisul wasaaraha iyo Afhayeenka Baarlamaanka”. Waxaan ognahay dhamaan maamuladii soomaray doowladihii kumeelgaarka ahaa lagabilaabo 1991 ilaa iyo hadda waxaa ragaadiyay khilaaf  udhaxeeyay sadaxda masuul ee kalahayay xilalka ‘madaxwaynaha, Ra’iisul wasaaraha iyo afhayaynka baarlamaanka’ kuwaas oo caado kadhigtay  in hadba labo hashiiso midna labursado.

Waxaa mumiim ah in an cashir kabarano taariikhdu waxa ay inabari maya in aan kunoqnoqono hal qalad mararbadan. Sidaas tarteed Xisbiga Tiir waxuu soojaydinayaa in lagasaaro dastuurka qabyada ah qodobka kusaabsan jagada “Ra’iisul Wasaaraha” si ay siyaasadda dalkaynu unoqoto midkudhisan labo awood ‘Madaxwayne iyo Golahiisii; Baarlamaan iyo Afhayaynkoodii’.  Haday taasi hirgasho sanadkan aan kujirno maamul cusubna sidaas lagudhiso waxaa hubaal ah in aan halayno siyaasad ku anbaqaadi doonta sihabsami ah.

Waayo waxaa meesha kabixi sadaxdii awood ay ayagoo ishaysta waqtigu kudhicijiray markaste. Waxaa imaani in labada awood sida golaha madaxwaynaha iyo golaha baarlamaanku ay wax iskudiidaan maalmo kadibna ay waxkuhashiiyaan halkaasna siwadajir ah ay horay oogu dhaqaaqaan. Waxaa hubaal ah wadankastoo kajira dunida in uu leeyahay dhaqan ugaar ah markastana siyaasadda dalkooda waxay kudhisaan siwaafaqsan dhaqankooda ugaarka ah si ay ooga badbaadaan khilaaf ragaadiya geedi socodka siyaasadda dalkooda.

Hadaba hadaynunahay umadda Soomaaliyeed maxuuyahay dhaqanka gaarka inoo ah aynkaga duwanahay dunida kale kuwaas ooleh ‘madaxwayne, Ra’iisulwasaare iyo afhayayn baarlamaan? Waxaan kaga duwanahay umadaha kale “Qabyaaled” waayo hadii sikaste looguqeexo dastuurka in uu yahay madaxwaynuhu magac uyaal, Ra’iisul wasaaruhuna leeyahay awood buuxda oo uukumaamulo wadanka, markaste oo madaxwaynuhu waayo waxuu jacelyahay waxuu lasoobixi kaarkii ‘qabyaaladda’ asagoo kudhawaaqi ‘YAATOLAY’.

Kadibna waxaad arki dad yaaci oo burburin waxkastoo kahoryimaada dadkaas oon marnaba dhagjalaq usiinaynin waxkastoo loosheego. Sidaas darteed, waxaamuhiim ah in dalkaynu yeesho siyaasad kudhisan labo awood ookaliyah. Haddanu nahay Xisbiga Tiir waxaan kulatalin gudiga asaxinta dastuurka in ay kasaaraan qodobka khuseeya Ra’iisul wasaaraha dastuurka cusub nidaam kaasna lugudhaqan galiyo maamulka talada qaban doona sanadkan aan kujirno. Waxii talobixin dheeraad ah ood ubaahataan waxaanu idiinlanahay diyaar markaste ee nalasooxiriira.

Mahadsanidiin
Maamulka Xisbiga Tiir
info@tiir.org
www.tiir.org