Soodhawoow

slide-1
slide-1
slide-1
slide-1
slide-1
previous arrow
next arrow

Kusoodhawoow Xisbigaada Tiir
Xisbiga Tiir waa xisbi siyaasadeed ay aas aasayn dhalinyaro Soomaali ah bishii Luulyo 22, 2006. Macnaha magaca ‘Tiir’ uu matalaayo waasidaan: “T” Talo-wadaag, “I” Israac, “I” Is’aamin, “R” Raxmad).

Xisbiga Tiir waxaa loo aas aasay in uu gaarsiiyo Soomaaliya nabadgaliyo, xasilooni, qaranimo, iyo hormar. Xisbiga Tiir marna ooma dulqaadanaayo in uu daawado dhibaatada kudhacaysa dadkooda iyo dalkooda. Xisbiga Tiir waxuu balan kuqaaday in uu taageero qorshe kaste oo lagusoo afjaraayo dhibaatada kataagan Soomaaliya ilaa iyo 1991.

Xisbiga Tiir waxuu gacmo furan kusoo dhawaynayaa qofkaste ooraba in uu kala qeebqaato dib usoocelinta nabad waarta oo kadhacda Soomaaliya, soo afjaridda dilka shacabka, burburinta dalka, iyo xadgudubka xuquuqda aadamaha. Xisbiga Tiir waxaa hoosta ooga xariiqan in uu soo afjaro dhibaatada dalka Soomaaliya sinabadgaliyo ah.

Xisbiga Tiir waxuu wacad kugalay in uu kadhigo Soomaaliya meel barwaaqo ah, amaan keeduna suganyahay. Xisbiga Tiir waxuu balan kuqaaday in uu waxkabadalo caalamku siduuka aamin sanyahay xaaladda dalka Soomaaliya, kana dhigo meel aamin ah laguna noolaankaro. Xisbiga Tiir waxuu xushmeenayaa, soodhaweenaayaa, aamin sanyahay sinaanta dadka Soomaaliyeed iyo kudhaqanka cadaaladda.

Xubnaha Xisbiga Tiir waxeey kakooban yihiin dhamaan umadda Soomaaliyeed qeeybaheeda kaladuwan, qofna xubin kanoqoshadiisa ooma diidaan sababtoo ah qabiilkiisa, siyaasadiisii hore, ama rag iyo dumar ahaantiisa. Ujeedada lagaleeyahay webseeyd kaan waxaaweeye in Xisbiga Tiir lawadaago dhamaan bulshada Soomaaliyeed qorshahiisa kuwajahan nabadaynta Soomaalia iyo sidii loomidayn lahaa dadkii Soomaaliyeed marlabaad.

Fadlan nagala qeebqaado qorshahaan laguraadinaayo nabaddii dalkeena Soomaaliya, lanarabo inlagu sooceliyo shareftii qaranimo een lahaanjirnay marhore. Waad kumahad santahay in aad booqatid webseeydka Xisbiga Tiir, marlabaadna fadlan soobooqo adoo mahadsan, soona dhawoow.