Baaq kusocda madaxda

Mudanayaal iyo marwooyin markahore waxaan idiinka mahad calinaynaa wadashaqaynta wacan ee aad muujiseyn.

Waxaa xaqiiqo ah in dalkiina iyo dadkiina Soomaaliyeed idinka sugayaan waxqabad iyo hormar aad gaarsiisaan, markastana badbaadada dalkiina iyo dadkiina aad kahormarisaan khilaafka dhaxdiina ah iyo danaha siyaasadeed eed leedihiin.

Waxaa muhiimah in aad ogaataan khilaafku in uusan ufiicneyn siyaasadiina shaqsi ahaaneyd iyo midda guud ee qaranka Soomaaliya. Sidaas darteed waxaan idiinku baaqeynaa in aan meeldhaxe iskugu imaataan idinkoo isutanaasulaaya, danta guud ee dalka iyo dadkana aad kawada shaqeysaan idinkoo wadajira.  Waxaan idin xasuusineynaa in taariikhdu qoreyso ficillada aad sameysaan maanta siyaasaddiina mustaqbalkana eyraad kuyeelan doonto.

Xildhibaanada qaranka Soomaaliyeed waxaan idiinku baaqeynaa in aad kusaleysaan codkiina waxa uu kujiro danta qaranka Soomaaliyeed oo kaliyah maya in aad lakala safataan labada mas’uul ee khilaafku kadhaxeeyo. Waxaan idinxasuusin neynaa in aad tiihiin kuwa loobaahan yahay in ey door muhiim ah kaciyaaraan marka xaaladdu murugto marwalbana aad kashaqeysaan danaha dalka iyo dadka Soomaaliyeed maya in aad ahaataan kuwo mas’uuliyiinta sare kufushadaan danahooda siyaasadeed ee khaaska ah.

Waxaan oogu baaqeynaa dhamaan siyaasiyiinta Soomaaliya: Xildhibaanada, Madaxweenaha, Ra’iisul Wasaaraha iyo Golaha Wasiirada, in aad dhinac iskadhigtaan waxkaste oo khilaaf dhaxdiina ah idinkoo fiirinaaya danaha dalka iyo dadka Soomaaliyeed ee tabaaleysan maanta.

Mudanayaal, Xisbiga Tiir waxuu diyaar idiinlayahay hiil iyo hoo hadba kaad ubaahataan si’aan u badbaadino dalkeena iyo dadkeena xaaladda adag kujira maanta. Waxaan diyaar idiinlanahay in aan idingarab istaagno si’aan wadajir oogu badbaadino qarankeena Soomaaliyeed.

Mahadsanidiin,
Xisbiga Tiir
info@tiir.org
www.tiir.org