Gudoomiyaha Xisbiga

leader
leader
previous arrow
next arrow

ASSALAMU CALAYKUM,

Oguhorayntii, waxaan kugusalaamay 114 quranka kariimka ah, waxaana kaaga mahadcalinaynaa Soomaalinimo jaceelkaada.

Xaqiiqdii dalkaynu waxuu u baahan yahay siyaasad kudhisan “xisbi-xisbi” xisbiyadaas oo leh aqoon, khibrad iyo karti hofan silooga awood badiyo danaystayaasha hortaagan nabadda Soomaaliya.

Xisbiga Tiir waa xisbi siyaasi ah waxaana aas aasay, hogaankana uhaya dhalinyaro Soomaaliyeed oo aqoonyahano ah kuna nool waqooyiga America waxna kubaratay. Xubnaha Xisbiga Tiir waxay ka kooban yihiin: dhalinyaro, oqoonyahano, culimo, ganacssto, abwaano, suxufiyiin, siyaasiyiin, waalidiin iyo waxgarad.

Tiir taagayra yaashiisu waxay kala joogaan: America, Africa, Asia, Middle East, Europe iyo Gudaha Somalia.  Xisbiga Tiir waxuu leeyahay karti ay dib ogu dhisaan xiriir wanaagsan oo dhaxmara Soomaaliya iyo bulshada caalamka.

Hogaanka Xisbiga Tiir waxuu u wadaa Soomaaliya qorshe cusub, fikrado iyo fursado badan, waxaana sadaxjeer hoosta ooga xariiqan in uu mideeyo dhamaan dhalinyarada Soomaaliyeed meelkaste oo joogaan si ay ubadbaadino dalkayna iyo dadkayna tabaalaysan.

Dhamaan xubnaha cusub, Xisbiga Tiir waxuu kugusoodhawayn gacmofuran, kalgaceel , walaaltinimo, iyo wadashaqeyn wacan.

Faadil Sheikhmohamed
Gudoomiyaha Xisbiga Tiir
faadil.sheikhmohamed@tiir.org
www.tiir.org