Taariikhda Xisbiga

slide-history
slide-history
previous arrow
next arrow

Xisbiga Tiir waxaa lagubilaabay markiihore magaca “Somali Peace & Progress (SPP)” taariikhdu markeey aheeyd bishii Luulyo 22, 2006. Kadibna waxaa loobadalay magacii xisbiga “TIIR” bishii June 21, 2011. Xisbigaan waxaa lagu aas aasay wadanka Mareykanka waxaana bilaabay dhalinyaro Soomaaliyeed oo waxbaratay.

Aragtida Xisbiga Tiir waxuu kubilaabmay dhalinyaro Soomaaliyeed oo ku shirtay khadka telefonka, kadibna kawada hadlay dhibaatooyinka ka taagan dalka Soomaaliya mudada dheer. Dhalinyaradaas oo istusiyey dhibaatada Soomaaliya in ay u muuqato mid-aan dhamaanaynin hadii aan loo talo bixin, loona baahan yahay kaalintii dhalinyarada waxbartay si loo soo afjaro dagaalka aan macnaha lahayn ee ragaadiyay Soomaaliya.

Sikastaba ha-ahaatee, waxay ay dhalintu soo bandhigeen fikrado kusaabsan sidii xal-loogu heli lahaa Soomaaliya. Kadibna waxay ku dhawaaqeen  in ay mihiintahay in la-aas aaso xisbi siyaasi ah oo lagu mideeynayo dhamaan dhalinyarada Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan.

Xisbigaas oo kashaqayn doona danaha umadda Soomaaliyeed, xal-uhelidda dagaalka macnodarada ah, iyo raadinta nabadda. Gabagabadii shirkii telafonka, dhalinyaradii waxay go-aan sadayn in ay dhidibada utaagaan Xisbiga Tiir oo ah rajahii umadda Soomaaliyeed iyo soo afjerkii dagaalada ragaadiyay dalka iyo dadka Soomaaliyeed.

Dhilinyaradaas waxay isku raaceeyn in yahay xisbiga Tiir yahay xisbi ka shaqayn doona danaha umadda Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan. Waxayna wacad ku mareen in ay wax ka badeli doonaan xaaladda murugsan ee dadkooda iyo dalkooda hooyo. Waxay wacad ku mareen in ay ku bixiyaan xalinta dhibaatada Soomaaliya naftooda, waqtigooda, maalkooda, caqligooda iyo cilmigooda si-ay ubadbaadiyaan dadkood iyo dalkooda.