Mabaadiida xisbiga

principle
principle
previous arrow
next arrow

Xubnaha Xisbiga Tiir waxay kuheshiiyayn in ay kudhaqmaan afartaan (4) qodob “T, I, I, R” oo ah mabaadiida Xisbiga markaste iyo meelwalba oo joogaan. Xisbiga Tiir waxuu kuhormarin doonaa mabaadiidaas dhamaan shacabka Soomaaliyeed dhaxdiise meelkaste iyo meelwalba ooy joogaan.

T—–
Talo-wadaag: Mabda a koobaad ee Xisbiga Tiir waa in talada lawadaago. Waxaan aamin sannahay in ay tahay muhiim in ladajiyo nidaam talo-wadaag ah oo siinaaya shacabka Soomaaliyeed awoodda ay kaga qeebqaadan karaan go’aanka doowladda, dajinta sharciyada, iyo in lagaqaado jago qofhaya loona dhiibo qofkale iyadoo lamari nidaamka doorashada oo kudhisan caddaalad iyo talo-wadaaga.

I—–Israac: Mabda a labaad ee Xisbiga Tiir  waa in la-israaco.  Waxaan aamin sannahay sida kaliyah ayn kusoocelin karno shareftii iyo midnimadii qarankeena in ee tahay in aan israacno qofkastoo mawaadin Soomaali ahna in uu katanaasulo islawaynanka qabyaaladda shuruud la’aan. Waayo waxaanu nahay qaran, qaran aan wax isku raacinna waxuu lamid yahay jir xididadiisu aysan isku oolin, in wax la-isku raacaana waxaa kadhalan dulqaad, isfahan, isxushmayn, wanaaga iyo wadajirka oo lagawada shaqeeyo.

I—–Is aamin: Waxaa xaqiiqo ah inaynaan marna iloobi karin dadkii kudhintay ama kuwax yeeloobay dagaalkii sokeeye ee dhaxmaray shacabkeena Soomaaliyeed. Laakin, waxaa muhiim ah inaan soo afjerno khilaafka dhecdeena ah, cashirna kabarano waxiidhacay, una horseedno bulshadeena is aamin dhab ah. Is aaminku waxuu inookayni inaan sidhab ah horay oogu wada dhaqaaqno kana wadashaqayno sidii aan usooceshan lahayn sharaftii qaranimo ayn luminay. Is aaminku waxuu inookeeni inaan xal uhelno khilaafka facayn inaga reebay ee dumiyay qaranimo deenii.  Sidaas darteed ayuu Xisbiga Tiir ooga dhigtay is aamin mabda kamid ah mabaadiidiisa.

R—-Raxmad: Mabda a afraad ee Xisbiga Tiir waa Raxmad. Waxaan aamin sanahay raxmaddu in ay keeni naxariis hadday bulshadeenu isku naxariisatana in Allah inoofidin naxariistiisa kadibna uu inaga dulqaadi dhibaatada aan kujirno mudada dheer. Raxmaddu
waxay inookeeni in aan iscafino, iscafiskuna waxuu inookeeni in aan wada noolaano inagoo walaalo isjacel ah. Raxmaddu waxay inoo keeni in aan isku naxariisto, iyo in uu qofkastoo ah muwaadin Soomaaliyeed uu ilaaliyo sharefta qofka kale ee Soomaaliga ah. Raxmaddu waxay inaga suulin ficilka aargoosiga, khayaanada, caddaalad darada, iyo wixii lamid ah oo xumaan ah oodhan.