Tiir

Mabaadiida xisbiga

Xubnaha Xisbiga Tiir waxay kuheshiiyayn in ay kudhaqmaan shan (5) qodob oo ah mabaadiida Xisbiga Tiir markaste iyo meelwalba oo joogaan. Xisbiga Tiir waxuu kuhormarin doonaa mabaadiidaas dhamaan dalka Soomaalia guri-guri, xaafad-xaafad, magaalo-magaalo, iyo gobal-gobal.
1. Nabada
Xisbiga Tiir waxaa kago an in lagaarsiiyo Soomaaliya nabad iyo xasilooni kufaafta dhamaan dalka Soomaaliya gudihiisa. Xisbiga Tiir waxaa kago an in ay soo afjaraan dagaalka macnadarada ah ay kataagan mudada dheer dalka Soomaaliya, waxayna hormarin nabad hadhaysa dhamaan dalka Soomaaliya.
2. Damoqradiyada
Xisbiga Tiir waxaa kago an in uu dhiso doowlad kudhaqanta damoqraadiyadda kusalaysan mabaadiida diinta islamka, doow laddaasoo ah mid ay doortaan dadkayda, kudhaqanta rabida dadkeeda, kana shaqaysa danta dalka iyo dadka. Xisbiga Tiir waxuu dhisi doonaa doowlad ukaynta dadka Soomaaliyeed fursado baddan, codka shacabkana qadarisa markaste.
3. Dhaqaalaha
Xisbiga Tiir waxuu dhisi doonaa nidaam caalami ah oo siiya dadka Soomaaliyeed fursan ay kuhormariyaan dhaqaalahooda midqoos iyo midganacsi. Xisbiga Tiir waxay dhisi doonaan xarumo dhaqaala oo ilaaliya qiimaha lacagta Shilinka Soomaaliga. Sidookale, waxay dhiirogalin doonaan xarumaha dhaqaale ay sida gaarka looleeyahay.
4. Edeega Bulshada
Xisbiga Tiir waxaa kago an in uu hormariyo edeega bulshada sida xarumaha caafimaadka, waxbarashada, iyo caawinta qoosta. Xisbiga Tiir waxuu hormarin doomaa edeega bulshada ee isgaarsiinta sida wadooyinka, tuubooyinka biyo maraynka, korantada, boostada iyo telefonada. Xisbiga Tiir waxaa kago an in uu abuuro fursado lagutababaro dadka Soomaaliyeed si ay uhelaan khibrad iyo aqoon ay kushaqaystaan nolol fiicana kugaaraan.
5. Caddaalada
Xisiga Tiir waxuu dhisi doonaa nidaam hormariya caddaalada taasoo siindooonta shacabka Soomaaliyeed in ay usinaadaan fursadaha kajira dalka dhamaantood. Xisbiga Tiir waxuu kadhigidoonaa caddaaladda waxa oogu sareeya ay lagaga dhaqmo wadanka Soomaaliya markate. Xisbiga Tiir waxuu xoojin doonaa in aan qofna lugu xukminid dambi ilaa lasiiyo fursad kufilan oo uu iskudifaaco.

Dugsi ma leh qabyaaladi waxeey dumiso mooyaane
(Timacadde)