Shuruudaha deeqa waxbarasho

deeqda
deeqda
previous arrow
next arrow

Deeqa waxbarasho

Lagabilaabo 2011 Xisbiga Tiir waxuu bilaabay in uu siiyo deed waxbarasho ardayda Soomaaliyeed ay kunoo dalka Soomaaliya gudihiisa, ardaydaas oo raba in ay aadaan jaamacad. Xisbiga Tiir waxuu waajib kagadhi ardayda ay siiyaan deeqda waxbarasho in ay caawiyaan bulshadooda siloo abuuro walaaltinimo, iyo wadashaqayn dhaxmarta bulshada Soomaaliyeed. Ardayga hela deeqda waxbarasho ee Xisbiga Tiir waxuu sibilaash ah kucaawin xarumaha waxbarashada, caafimaada, iyo adeega bulshada 50 saacadood usbuuc kaste.

Sharuudaha ardayga lagarabo

1. Waa in uu ahaado Soomaali
2. Waa in uu dhigto jaamacad ama ay aqbashay
3. Wa in uu diyaar uyahay 50 saacadood in uu u adeego bulshada usbuuckaste
4. Waa in uu waxbarashada buundo fiican kakeeno markaste

Qaabka loodooran ardayda

Guddi katirsan Xisbiga Tiir ayaa akhriyi dhamaan waraaqaha kayimid ardayda soocosotay deeqda waxbarasho, kadib waxay dooran ardayda aad ucajab galisay waraaqahooda sida warqadda labada beej ah ee uu qoray ardaygu, sadaxda waraaqood ee ardayga loosoo qoray, iyo siduu ardaygu diyaar oogu yahay u adeega bulshada.

Sidee loobuuxiyaa

Si aad ubuuxiso deeqda waxbarasho ee Xisbiga Tiir waxaa lagaaga baahan yahay in aad soodirto warqad 2-3 dexbeej ah ood kaga hadli maxaad urabtaa waxbarashada, nolosha aad rabtid in aad gaartid mustaqbelka, iyo jaceelka aad uqabtid u adeega bulshada. Ogo warqaddaad qortid waxay raad kuyeelan in aad heshid deeqda waxbarasho iyo inkale. Sidookale waxaad soodiri sadex warqadood oo tiiba tahay halbeeg oo qofkale kaawar bixinaayo. Halwarqad waa in aad akayntid macalin kaada iskulka, labada kale waxaad kakeeni kartaa macalin kaada ama qofkale oo kuyaqaana. Waraaqaha lagaaga warbixinaayo waxaa waajib ah in ay kuyaalaan qofka sooqoray macluumaadkiisa sida talefonka, iyo iimaalka.

Su aanlo iyo jawaab

S: Yaabuuxinkara deeqda waxbarasho ee Xisbiga Tiir?
J: arday kastoo ah Soomaali oo dhigta ama ay aqbashay jaamacad.
S: Jaamacaddee uqalanta in ardaydeedu buuxiyaan deeqdan waxbarasho?
J: Jaamacad kaste oo bixisa shahaada afar sano ama laba sano sano ah.
S: Sidee Xisbiga Tiir deeqdiisa waxbarasho usiiyaa ardayda?
J: Ardaygu waa in uu sibuuda udhigto jaamacadda, lacagtuna waxay sitoos ah loosiin iskuulka
S: Maxaytahay fursadayda aan kuhelikaro deeqda waxbarasho ee Xisbiga Tiir?
J: Haddaadtahay arday u adeega bulshada, ubaahan deeq waxbarasho fursad fiican ayaaleedahay.
S: Xiligay lasheegi ardayda heshay deeqdaan waxbarasho?
J: Ardayda waxaa lugusiin jawaab mudo lababillod ah in ay helaan iyo inkale

Waxii su aan ah oo kusaabsan deeqdan waxbarasho fadlan nagala sooxiriir iimaalkaan info@tiir.org