Tiir

Siyaasadda xisbiga

Hordhac:
Xisbiga Tiir waxuu diyaar uyahay in uu ubabacdhigo xaaladda cakiran ay kataagan Somaaliya xalna uhelo. Xisbiga Tiir waxuu kukalsoon yahay xubnahiisa leh khibrad iyo aqoon dhayraad ah in uu mideeyo Soomaaliya marlabaad, dibna udhiso dalka iyo shareftii Soomaaliya kulahayd caalamka.

Kadib mudada dheer ay doowlad la aantu kajirtay Soomaaliya, Xisbiga Tiir waxuu diyaariyay qorshe caalami ah oo lagu xalinaayo dhibaatada Soomaaliya, dibna loogu soocelinaayo amnigii Soomaaliya. Xisbiga Tiir waxuu leeyahay hogaan leh karti hofan, daacadnimo, iyo aqoon sare oo lagu hashiisiiyo walaalaha Soomaaliyeed ay kala irdhoobay mudada dheer, laguna xaliyo dhibaatada dabada dhayraatay ay kajirta Soomaaliya.

Xisbiga Tiir waxuu aaminsan yahay dhibaatada kataagan Soomaaliya waxaa xalinkara oo kaliyah Soomaalida, waxaana muhiim ah in lahelo hogaan dhalinyaro oo kaqeebqaadata. Qorshaha Xisbiga Tiir waxaa weeya inlaga shaqeeyo waxa danta u ah shacabka Soomaaliyeed kadibna loodhaqan galiyo sinabad galiyo ah. Xisbiga Tiir waxuu aqoon uleeyahay dhaqanka umadda Soomaaliyeed iyo siyaasadda caalamka, waxuuna leeyahay karti uu kudhiso xiriir wanaagsan oo dhaxmara Soomaaliya iyo bulshada caalamka.

Hogaanka Xisbiga Tiir xubnahiisu waxay kakooban yihiin dhalinyaro, oqoonyahano, culimo, ganacssto, abwaano, siyaasiyiin, waalidiin iyo waxgarad. Dhamaan xubnaha Xisbiga Tiir waxay kumidoobayn raadinta nabadda Soomaaliya iyo soo aftjeridka dagaalka macno darada ah. Dhamaan shacabka Soomaaliyeed ay danaynaaya xalinta dhibaatada Soomaalia waxuu Xisbiga Tiir kusoo dhaweenaynaa gacmo furan iyo walaaltinimo in ay kala qeebqaataan dadaalka raadinta nabadda ay uu wado Xisbiga Tiir.

Dhibaatada kataagan Soomaaliya:
Laga soobilaabo waqtigay burburtay doowladdii dhaxa ay dalkayna, shacabka Soomaaliyeed waxay lakulmayn dhibaato badan. Sida ay sheegayn heey adda UN ka iyo kuwa udooda xuquuqda aadamaha, Soomaaliya waxaa kadhacay xadgudub bini aadanimo sida dilka, dhaca, kufsiga, iyo baracakacinta shacabka.

Laga soobilaabo 1991 shacabkeenu waxay u dhintaan gaajo, biyo la-aan, cuduro, nafaqo daro, dagaal iyo dacdaro ilaa iyo haddana rajo fiican mahaystaan. Xaaladda dalkayna iyo dadkayna waykasii daraysaa maalin kaste waxaana kujirno isiijiid-isoojiid. Hadaba Xisbiga Tiir waxaa go-aan ka ah in ay oogu baaqaan dhamaan waxgaradka Soomaaliyeed miiska wadahadalka siloosoo afjaro dhibaatada ragaadisay shacabkayna kana reebtay umadaha kale ay facood ah. Xisbiga Tiir waxuu sidookale xasuusin hayaa dhamaan shacabka Soomaaliyeed in dhibka ina haysta inagoo kaliyah aan xalinkaro maya cidkale ama shisheeya.

Hogaanka xisbiga:
Xisbiga Tiir waxuu markaste xooga saaraa sidii xal lagu helilahaa Soomaaliya, loogana dhigi lahaa meel nabad galiyo ah caddaaladana lagaga dhaqmo. Xisbiga Tiir waxuu balan kuqaaday inuu kashaqeeyo danaha dadkooda iyo dalkooda markaste iyo meelkastoow joogaan. Xisbiga Tiir waxuu sidaacad ah oogu adaygi doonaa dadkooda manta iyo kuwa baritaba.

Hogaanka Xisbiga Tiir waxuu uwadaa shacabka Soomaaliyeed qorshe cusub, fikrado, iyo fursado badan oo anfici dhamaan shacabka Soomaaliyeed ay manta iyo kuwa bariba. Xisbiga Tiir waxuu aaminsan yahay hormarku in uu kayimaado nabadda, nabadduna ka-imaato heshiiska, heshiiskuna kayimaado dulqaadka, dulqaaqkuna kayimaadu ilaalinta danahaguud ay qaranka.

Qabyaaladda iyo Qaranka:
Xisbiga Tiir waxuu balan kuqaaday in uu tirtiro qabyaaladda dumisay quruxdii qarankayna. Xisbiga Tiir waxuu balan kuqaaday in uu hormariyo wadanimada, wadajirka, walaaltinimada, iyo wadashaqaynta. Xisbiga Tiir waxaa kago aan ah in shacabka Soomaaliyeed kasaaraan qabyaaladda macna darada ah lana gaarsiiyo qaranimo. Xisbiga Tiir waxuu xasuusin shacbka Soomaaliyeed qabyaaladdu in ay burburisay quruxdaynii qaranimo, loona baahan yahay in lagawada shaqeeyo hormarinta qaranka.

Waxaan wada agnahay qabyaaladdu in ay qaybisay shacabka Soomaaliya, burburisay wadankayna, tirtirtay qiimahaynii qaranimmo, noloshayniina duleesay loona baahanyahay in aan cashir kabaran. Xisbiga Tiir waxaa kago an in uu kashaqeeyo hormarinta qaranka, iyo danaha umadda Soomaaliyeed. Xisbiga Tiir waxuu aamin sanyahay qofkastoo ah Soomaali in uu xaq uleeyahay in uu helo farsad uu nolashiisa kuhormariyo asagoo jooga dalkiisa hooyo.

Xisbiga Tiir waxay wacad kumarayn in ay iskuxiraan dhamaan shacabka Soomaaliyeed gori-gori, magaalo-magaalo, iyo gobal-gobal. Si ay udhaqan gasho iskuxirkaas waxuu Xisbiga Tiir uugu baaqayaa dhamaan shacabka Soomaaliyeed in wadajir iyo kali kali lootirtiro qabyaaladda aan qiimaha lahayn. Xisbiga Tiir waxuu aamin sanyahay qofkastoo Soomaali ah in uu xaq u leeyahay nolo wanaagsan iyo nabadgaliyo taasna weeye qorshahooda koobaad.

Dhaqaalaha iyo canshuurta:
Xisbiga Tiir waxuu diyaar uyahay in uu dhiso nidaam caalami ah oo lagu hormarinaayo dhaqaalaha Soomaaliya sida hormarinta ganacsatada, iyo xoojinta xarumaha dhaqaale. Qorshaha Xisbiga Tiir ay kobcinta dhaqaalaha waamid isudheelitiran caddaaladna kusalaysan, qofkastana helaayo fursan uu kaga qeeybqaato. Xisbiga Tiir waxaa uqorshaysan in ay dhisaan xarumo dhaqaale oo ilaaliya qiimaha lacagta Shalinka Soomaaliga, sarena uqaada dhaqaalaha dalka si ay shacabka Soomaaliyeed u helaan fursado ayku hormariyaan dhaqaalahooda hanoqoto midqoos ama midganacsato.

Xisbiga Tiir waxaa u qorshaysan in ay dhiira galiyaan xarumaha dhaqaale ay sidagaarka looleeyahay siloohelo tartan dhaqaale oo dhaxmara ganacsatada Soomaaliyeed. Xisbiga Tiir waxuu aamin sanyahay hormarinta xarumaha dhaqaale ay sidagaar looleeyahay in ay kayni hormar dhaqaale iyo shacabka Soomaaliyeed oo shaqo hela. Sidookale, Xisbiga Tiir waxuu taagayri doonaa ganacsatada, waayo ganacsato badan oo lahelaa waxay kayni fursado badan iyo hormar dhaqaale.

Xisbiga Tiir waxuu ciribtiri doonaa hanjabaada iyo dhaca loogaysto ganacsatada iyo xarumaha dhaqaale ay sidagaarka looleeyahay waayo ganacsatadu waxay xaq uleeyihiin in ay dalkooda kaganac sadaan ayagoo amnigoodu suganyahay. Xisbiga Tiir waxuu kudhiiragalin doonaa ganacsatada Soomaaliyeed in ay kaqeeb qaataan dib udhiska dhaqaalaha dalka Soomaaliya kadibna waxaa lagadhaafi canshuurta in mudo ah oo udhiganta qiimaha lacagta ay kucaawiyayn dalkooda.

Xisbiga Tiir waxuu aamin sanyahay canshuurta laqaadi in ay ahaato mid aan waxyeelo ugaysanaynin ganacsatada, shaqaalaha iyo nolosha qooska. Xisbiga Tiir waxuu dhiiragalin in canshuurta lagadhaafo markay ganacsatadu ama shaqsiyaadku oogu deeqaan lacag dalkooda, siloodhiira galiyo iscaawinta dadkayna iyo wadashaqaynta bulshadayna Soomaaliyeed.

Doowladda xisbigu dhisidoono:
Xisbiga Tiir waxuu dhisidoonaa doowlad kashaqaysa danaha dadka iyo dalka Soomaaliyeed markaste. Doowlad ay doortaan shacabkaydu, markaste dhagaysata codka shacabkeeda, kuna shaqaysa rabidda Shacabkayda. Xisbiga Tiir waxuu dhisidoonaa doowlad kudhaqanta caddaaladda, ilaalisa sharefta dadkayda iyo dalkayda.

Xisbiga Tiir waxuu dhisidoonaa doowlad kudhisan “xisbi-xisbi” maya 4.5 (Qabiil), dalkana uhorsayda fursado badan iyo nabad waarta. Xisbiga Tiir waxuu u horsaydi doonaa shacabka Soomaaliyeed nidaam doowlo oo qofka lagu doorto aqoontiisa, kartidiisa, khibradiisa, iyo daacad nimadiisa maya qabiilkiisa. Xisbiga Tiir waxuu hormarin doonaa in qofkaste oo ah musharex siyaasadeed uu isku sharxo magac gobal maya magac qabiil.

Xisbiga Tiir waxuu dhisidoonaa doowlad tirayar oo tayoleh, kuna dhisan sadax awood “Guria madaxweeynaha, Guriga baarlamaanka iyo Guriga maxkamadda sare” waxuuna tirtiri doonaa jagada ‘prime minister’ ka waayo Xisbiga Tiir waxuu aaminsanyahay in aan loobaahnayn. Xisbiga Tiir waxuu dhisidoonaa doowlad fadaral ah oo kakooban gobaladda Soomaaliyeed in teeyihiin kuna dhisan mabaadiida Islaamka.

Caddaaladda iyo sinaanta:
Xisbiga Tiir waxuu aanmin sangay siloohelo nabadgaliyo in ay muhiimtahay inla hormariyo caddaaladda iyo sinaanta, lana ciribtiro nidaamka 4.5 oo ah in qabiil waxlagu qeebsado. Xisbiga Tiir waxuu aamin sanyahay siloo sooceliyo shareftii aan lahayn in loobaahan yahay ilaalinta caddaaladda, xuquuqda bini aadanka, iyo inloosinaado fursadaha kajira dalka.

Xisbiga Tiir waxuu aamin sanyahay in loosinaado sharciga qofkastana loogu xukumo sinaan. Qofkastoo lagu aydeeyo dambi in lamariyo caddaalada asagoo lasiinaayo fursad uu kagadoodo dambiga lagusoo aydeeyay. Xisbiga Tiir waxuu aamin sanyahay in aan qofna lugu xukumin dambi ilaa lahelo cadayn dhab ah iyo makhraatiyo lagu kalsoon yahay. Xisbiga Tiir waxuu kuhormarin caddaaladda dhamaan dalka Soomaaliya gori-gori, xaafad-xaafad, magaalo-magaalo, iyo gobal-gobal ilaa qofkastoo Soomaali ah uu helo caddaalad dhamays tiran iyo sinaan.

Xuquuqda qofka:
Xisbiga Tiir waxuu aamin sanyahay in lagu xadgudbay xuquuda Ilaahay siiyay qofka bini aadanka taasoo kayntay in ay kadhacday Soomaaliya ficilo foolxun sida dilka, dhaca, kufsiga, barakaca, baliilaqada iyo kuxad gudubka xasuuqa shacabka. Xisbiga Tiir waxuu aamin sanyahay inla ilaaliyo sharefta qofka Soomaaliga ah markaste iyo meelwalba oo lajoogo.

Xisbiga Tiir waxay kasoo horjaydaan in qofka loogu xadgudbo sabab laxiriirta qabiilkiisa, naafo nimadiisa, fikirkiisa, iyo dumar ahaantiisa. Xisbiga Tiir waxuu aamin sanyahay siloo hormariyo dalkayna inloo baahan yahay in dadkayna loo abuuro fursado ay kaga qeebqaataan shacabku siyaasadda, dhaqaalaha, waxbarashada, iyo hormarka bulshada.

Waxbarashada:
Xisbiga Tiir marna ooma ogolaanaayo in ilmo Soomaaliyeed kudhacdo waxbarasho la-aan asagoo jooga dalkiisa hooyo. Xisbiga Tiir waxaa uqorshaysan in ay abuuraan nidaam caalami ah oo siinaaya dhamaan caruurta Soomaaliyeed fursad waxbarasho oo kusalaysan caddaalad iyo sinaan. Xisbiga Tiir waxuu aamin sanyahay in ilmo kastoo Soomaali ah in uu xaq uleeyahay in uu helo waxbarasho tayoleh oo uu kula tartamikaro caalam.

Xisbiga Tiir waxuu bogaadin xarumaha waxbarasho ay sida gaarka looleeyahay si ay caruurta Soomaaliyeed u helaan fursado waxbarasho oo badan. Xisbiga Tiir waxuu hormarin luuqadda Soomaaliga, dhaqanka, suugaanta, iyo taariikhda. Xisbiga Tiir waxuu samayni doonaa nidaam laguxuli macalimiinta iskuulaadka waxkadhiga, waxayna kuxiri doonaan macalimiinta in ay haystaan sharci ogolaansho kahor intaynan bilaabin waxbaridda iskuulaadka.

Caafimaadka:
Xisbiga Tiir waxuu aamin sanyahay in qofkastoo Soomaali ah xaq u leeyahay in uu helo caafimaad wanaagsan. Xisbiga Tiir waxaa go-aan ka ah in ay furaan xarumo loogu talagalay daryeelka bukaanka aan aysanin waxuu isku daaweeyo. Xisbiga Tiir waxuu sigaar ah ucaawin doonaa dumarka uurkaleh, waayeelka, caruurta, dhimanaha iyo dadka naafa ha.

Xisbiga Tiir waxay ladagaalimi doonaa cudurada faafa ay dilaaga ah sida HIV/AIDS ka, tiibijada, iyo malayriyada. Xisbiga Tiir waxay hormarin qalabka caafimaadka siloo siiyo shacabka Soomaaliyeed caafimaad tayoleh. Sidookale, Xisbiga Tiir waxuu taageeri doonaa hormarinta xarumaha caafimaadka ay sida gaarka looleeyahay si-ay shacabka Soomaaliyeed uhelaan xaromo caafimaad oo badan.

Beeraha:
Xisbiga Tiir waxuu siindoonaa beeralayda qalab dhamaystiran oo casri ah siloosiiyo beeralayda fursan ay kuhormariyaan waxsoosaarka beerahooda. Xisbiga Tiir waxuu hormarin doonaa beeraha Soomaaliya waxuuna usamayn nidaam caalami ah oo siiya beeralayda fursad ay ku iibiyaan miraha ay kagoostaan beerahooda. Xisbiga Tiir waxuu iskuxiri doonaa beeralayda iyo ganacsatada Soomaalida iyo ajnabiga si ay udhacdo wadashaqayn wacan oo dhaxmarta beeralayda iyo ganacsatada.

Xisbiga Tiir waxuu mahiimadiisa koobaad kadhigi doonaa hormarinta beeraha silooga saaro shacabkayna Soomaaliyeed gaajada, saboolnimada iyo baahida ay uqabaan mucaawanada dibadda. Xisbiga Tiir waxuu saari doonaa canshuur aad ubadan cunada lagakayno dalka dibadiisa siloo yareeyo isticmaalka cunada dibada loona hormariyo cunada kabaxda dalka gudahiisa.

Wadooyinka:
Xisbiga Tiir waxuu hormarin doonaa isgaarsiinta Soomaaliya si ay usahlanaato wadaxiriirka bulshada Soomaaliyeed. Xisbiga Tiir waxuu wacad kumaray in uu usameeyo guri kastoo kuyaala Soomaaliya fursad uu kuhelo laynka telefonka ama interneedka, laynka koronto, tuubada biyaha, iyo waddo laami ah oogasha gurigiisa.

Xisgiba Tiir waxaa kago an in uu hormariyo wadooyinka si ay iskugu xirmaan dhamaan bulsha Soomaaliyeed guri-gori, xaafad-xaafad, magaalo-magaali iyo gobal-gobal. Xisbiga Tiir waxaa kago an in lasiiyo dadka kunool toolooyinka waxa ay haystaan dadka kunoo magaalooyinka waawayn sida xarumaha iskuulka, caafimaadka, ganacsiga iyo waxiilamid ah.

Hormarinta bulshada:
Xisbiga Tiir waxaa kago an in uu hormariyo dhamaan adayga bulshada sida gaadiidka circa, dhulka iyo badda, caawinta qooska, waayeelka, naafaha, iyo waxii lamid ah. Xisbiga Tiir waxuu hormarin doonaa dhaqanka, luuqadda Soomaaliga, suugaanta, barashada diinta, fikir wadaaga, iyo waxii lamid ah.

Diinata Islaamka:
Xisbiga Tiir waxuu kuxiridoonaa cidkastoo rabta in ay kahadasho diinta Islaamka ama kanoqoto iimaam masjir in ay lahaado sharci ogolaansho kohor intuusan waxba samaynin siloogu kalasaaro bulshada Soomaaliyeed qofka sheekha ah ay aqoonta uleh diinta iyo qofka sheegatada ah.

Fanka:
Xisbiga Tiir waxuu hormarin doonaa fanka Soomaaliyeed sida gobayga, gayraarka, buraanburka, iyo heesaha silohelo dad khubara ah oo wacyigaliya shacabka Soomaaliyeed kuna baraarujiya wadaninimada, walaaltinimada, wadajirka, iyo quruxda qaranimada.

Ciyaarta:
Xisbiga Tiir waxaa kago an in uu hormariyo ciyaaraha siloohelo laacibiin soohoyisa guusha sidii Cabdibile oo kale, laacibiintaas oo kaqeebgale horyaalka caalamka kunaguu laysta. Xisbiga Tiir waxuu hormarindoonaa dhamaan ciyaaraha qaybaheeda kaladuwan sida oradka, sakorka, iyo waxii lamid ah oo kale.

Dugsi ma leh qabyaaladi waxeey dumiso mooyaane
(Timacadde)