Siyaasadda xisbiga

Platform
Platform
previous arrow
next arrow

Hordhac:
Xisbiga Tiir waxaa loo aas aasay in uu u babacdhigo xaaladda cakiran ee ka taagan dalkeena Somaaliya xalna u helo sidii loomidayn lahaa marlabaad shacabka Soomaaliyeed, loona soocelin lahaa shareftii qaranimo ayn kulahayn caalamka. Kadib muddada dheer ay doowlad la’aantu ka jirtay dalkeena Soomaaliya, waxaan diyaar u nahay in aan badbaadino qarankeena Soomaaliyeed una horseedno nolal wanaagsan oo kudhisan sinaansho, caddaalad, nabadgaliyo, wadaninimo, walaaltinimo, iyo wadashaqayn.

Xisbiga Tiir waxuu aamin sanyahay in dadka soomaaliyeed oo keliya ee yihiin kuwa xalinkara dhibaatada kataagan Soomaaliya, waxaana muhiim ah in lahelo hogaan dhalinyaro oo ka qeybqaadta xalkaas. Qorshahaanagu waxaa weeye in aan kashaqeeyno waxa danta u ah dadka iyo dalka Soomaaliyeed una horseedno Soomaalia tubta nabadda. Waxaan aqoon uleenahay dhaqanka umadda Soomaaliyeed iyo siyaasadda caalamka, waxaana leenahay karti aan kudhisno xiriir wanaagsan oo dhaxmara Soomaaliya iyo bulshada caalamka.

Xisbiga Tiir xubnahiisu waxay ku midoobayn raadinta midnimada Soomaaliya iyo soo afjarka khilaafka u dhaxeeya shacabka Soomaaliyeed. Waxaan aamin sannahay in aan wadajir kuraadino xalka khilaafkeyna, iskagana tanaasulo waxaan kukala duwanahay si’aan uqaadano tubta nabadda iyo nolasha wanaagsan inagoo wadajirna. Qorshe siyaasadeedkaan waxuu qeexayaa geedi socodka siyaasadda Xisbiga Tiir, waxuuna kakooban yahay shantaan qodob ee hooskuqoran:

1)      Doowlad noocey ah ayaan u dhisidoonaa Soomaaliya.

2)      Amaanka qaranka Soomaaliya iyo sideyn kusoocelin doonaa.

3)      Dhaqaalaha qaranka Soomaaliya iyo xageyn kakeeni doonaa.

4)      Dib-udhiska dalka Soomaaliya iyo nidaamka aan isticmaali doono.

5)      Xiriirka bulshada caalamka iyo sida aan u la’dhaqmidoono.  

Doowlad noocey ah ayaan udhisi doonaa Soomaaliya:
Qorshe doowladeedka:
Xisbiga Tiir waxuu dhisi doonaa doowlad fadaral ah oo madaxda hogaamisa ay doortaan shacabka Soomaaliyeed, kana shaqeysa danaha dadka iyo dalka Soomaliya. Waxaan dhisi doonaa doowlad furfuran oo qaada mas’uuliyadda qaranka kuna dhaqanta caddaalad iyo daacadnimo. Waxaan dhisi doonaa doowlad markaste qadarisa codka shacabka, marwalbana ilaalisa sharefta qaranka Soomaaliyeed.

Xisbiga Tiir waxuu dhisi doonaa doowlad awoodeedu kudhisantahay maamul gobaleedyo isutagay, go’aamadeeduna kayimaadaan dhinacyo kaladuwan sida madaxda doowladda fadaraalka, kuwa maamul gobaleedka, kuwa xukuma magaalooyinka, kuwa xukuma xaafadaha, iyo codka shacabka. Waxaan dhisi doonaa doowlad siisa fursad qofkastoo ah Soomaali oo raba in uu kaqeebqaato siyaasadda dalka, kana kooban Madaxweyne, Madaxweyne kuxigeyn, shan iyo toban (15) Wasiir, iyo tiro badan oo ah Wasiiro kuxigeyn.

Xisbiga Tiir waxuu kasaari doonaa dastuurka dalka jagada ‘Ra’iisul wasaaraha’ waxuuna kubadali doonaa ‘Madexweyne kuxigeyn’ si’aysan ugadhicin waaxda madaxtooyada isqabqabsi awooda siyaasad. Waxaan dhisi doonaa doowlad kudhisan sadex awood: (1) Golaha kakooban madaxweynaha, madaxweyne kuxigeynka iyo wasiiradooda; (2) Golaha baarlamaanka iyo afhayeynkooda; (3) Golaha Maxkamadda oo leh awood madaxbanaan. Waxaan uqeybin doonaa golaha baarlamaanka labo gole: (1) Golaha shacabka ooy tiradoodu tahay hadba tirada shacabka kunool gobalka ay matalaan; (2) Golaha maamul gobaleedka ooy tahay tiradoodu labo xubnood oo kakala yimaada maamul gobaleedyada.

Qorshaha hogaanka Xisbiga Tiir:
Xisbiga Tiir waxuu hormarin doonaa caddaaladda waayo waxaan aamin sanahay in caddaalad lahelaa ka’imaani fursado badan, fursado la’helaana ka’imaani hormar, hormar lahelaana ka’imaani qaranimo wadata quwad iyo qurux. Waxaan ubilaabi doonaa bulshada Soomaaliyeed siyaadad furfuran oo loosiman yahay.

Xisbiga Tiir waxuu u horseedi doonaa shacabka Soomaaliyeed anshaxa wanaagsan sida daris-wanaaga, iscaawinta, is ixtiraamka, isutanaasulka, wadajirka, wadashaqaynta, iyo walaaltinimada.  Waxaan ciribtiri doonaa qabyaaladda, faqriga, aqoon la’aanta, musuq maasuqa, iyo faafidda cudurada dilaaga ah.

Xisbiga Tiir waxuu hormarin doonaa in loosinaado fursadaha waxbarashada, siyaasadda, adeega bulshada, adeega caafimaadka, shaqooyinka, iyo ganacsiga.  Waxaan dhaqangalin doonaa in ladiiwaan galiyo dadka kunool Soomaaaliya, qofkastana laguxiro in uu haysto sharci aqoonsi oo leh sawir si’uu uhelo xuquuqda muwaadinimada. Waxaan sharciyayn doonaa qofkaan heysanin aqoonsi dhalasho in uusan xaq u yeelanin dhamaan adeega bulshada iyo fursadaha kajira dalka.

Xisbiga Tiir waxuu aqoonsan doonaa 18 toban kiigobal ee jirijiray kahor 1991, waayo xiligaas kadib Soomaaliya mahelin doowlad maamusha dhamaan dalka Soomaaliya oodhan. Waxaan aamin sanahay in 18 tobankii gobal lagabilaabo hashiiska, kadibna markaan yeelano doowlad maamusha dalka oo dhan aan katashano in labadin iyo in layarayn.

Xisbiga Tiir si’uu caddaalad oogu qeebiyo khayraadka dalka maamul gobaleedyada, waxuu isuraacin doonaa 18 tobanka gobal sadex-sadex gobal, kadibna waxuu siin doonaa sadex kaste wax khaas u ah ayaga si gobal kaste qeebtiisa ugahelo kheeraadka dalka.

–         Sadex gobal waxaan siindoonaa xaruma waxbarashada ee ogu waawayn dalka.

–         Sadex gobal waxaan siindoonaa xaruma caafimaadka ee ogu waawayn dalka.

–         Sadex gobal waxaan siindoonaa xaruma ogu waawayn ee ciidanka dalka.

–         Sadex gobal waxaan siindoonaa xaruma xabsiga ee ogu waawayn dalka.

–         Sadex gobal waxaan siindoonaa xaruma warshadaha ee ogu waawayn dalka.

–         Laba gobal waxaan siindoonaa in ay daabacaan lacagta qaranka Soomaaliya.

–         Halgobal waxaan siindoonaa Magaalo madaxda qaranka Soomaaliya. 

Amaanka qaranka Soomaaliya iyo sideyn kusoocelin doonaa:
Qorsha sugidda amaanka shacabka:
Xisbiga Tiir waxuu samayn doonaa telefon dadku lasoo xiriiraan markay ubaahdaan caawin xaalad amaandaro. Telefonka ay dadku soowici doonaa meelkaste ooy kajoogaan dalka Soomaaliya waxuu noqoni doonaa “114”. Waxaan udooranay nambarkaan waatirada suuradaha quraanka kariimka waxaana usahlan qofkaste oo ah Soomaali in uu xasuusto.

Qorsha difaaca dalka:
Xisbiga Tiir waxuu dib udhisi doonaa xoogii ciidanka Soomaaliya waxuuna uqaybin doonaa sadex awood: (A) Waaxda difaaca qaranka, (B) Waaxda sugida amanka dalka gudahiisa, (C) Waaxda hormarinta xiriirka dalka dibaddiisa.

(A)  Waaxda difaaca qaranka waxay ilaalin doontaa amaanka dalka Soomaaliya kagudaha iyo kadibadda. Waxaan u qeybin doonaa shantaan qeebood ee hoos kuqoran:

1)      Difaaca Ciidanka ee dulka.

2)      Difaaca Ciidanka ee cirka.

3)      Difaaca Ciidanka ee badda.

4)      Difaaca Sirdoonka ee dalka gudihiisa.

5)      Difaaca Sirdoonka ee dalka dibadiisa.

(B) Waaxda sugida amaanka dalka gudihiisa waxey qaban doonaan waxii kusaabsan ilaalinta amaanka xuduudaha iyo arimaha boliska oo dalka dhaxdiisa ah. Waxaana u qeybin doonaa shantaan qeybood ee hoos kuqoran:

1)      Waaxda danbi baarista dalka gudahiisa.

2)      Waaxda gurmadka xaaladaha dagdaga ee dalka gudahiisa.

3)      Waaxda boliska ee ilaalisa amaanka shacabka.

4)      Waaxda ilaalisa amaanka xuduudaha gobalada Soomaaliya dhaxdooda.

5)      Waaxda ilaalisa amaanka xuduudaha aan lalaynahay waddamada dariska.

(C) Waaxda hormarka xiriirka dalka dibaddiisa waxay kashaqayn doontaa wixii ubaahan in lagu xaliyo siyaasad, waxaana uqaybin doonaa shantaan qeybood ee hoos kuqoran:

1)      Waaxda safaaradaha

2)      Waaxda sirdoonka ee ilaaliya maxadda safaaradaha.

3)      Waaxda sirdoonka ee dalka dibaddiisa.

4)      Waaxda adeega waxbarashada ee dalka dibaddiisa.

5)      Waaxda mashruuca maalgalinta ganacsiga.

Xisbiga Tiir waxuu u samayn doonaa dhamaan waaxyahaas aan kor kusoosheegnay nidaam wanaagsan ooy kukala qaataan warbixinta kusaabsan ilaalinta amaanka qaranka Soomaaliya midka gudaha iyo kadibadda. Dhamaan waaxyahaas waxay kaqaadan amarka xafiiska madaxweynaha qaranka asagoo usiimarin amarkiisa mas’uuliyiinta xukuma waaxahaas.

Dhaqaalaha qaranka Soomaaliya iyo xageyn kakeeni doonaa.
Ilaha dhaqaalaha qaranka:
Xisbiga Tiir waxuu ogyahay xiligii aynu lahayn doowlad maamusha dalka oodhan, in xooluhu ahaayayn isha ogu wayn oo dhaqaale kahelo dalkeena Soomaaliya. Sikastaba ha’ahaatee, waxaa xaqiiqo ah qarnigaan lagujiro in dhaqaalaha dalkeena Soomaaliya uusan kufilayn xoolaha oo kaliyah. Haddaba si’aan kor oogu qaadno waxsoosaarka dhaqaale ee dalkeena Soomaaliya waxaan aas aasi doonaa ilo dhaqaale oo kakooban shantaan qodob ee soosocota:

1)      Hormarka waxsoosaarka Beeraha.

2)      Hormarka waxsoosaarka kheyraadka Badda.

3)      Hormarka waxsoosaarka kheyraadka dulka.

4)      Hormarka xarumaha dalxiisayaashu booqdaan.

5)      Hormarka dhoofinta xoolaha.

Xisbiga Tiir waxuu hormarin doonaa nidaamka ganacsiga xorta ah si qofkaste uhelo fursad uu kubilaabo ganacsiga uu rabo. Dadka aan haysanin lacag oo raba in ay bilaabaan ganacsi, waxaan siindoonaa lacag dayn ah oon lahayn dulsaar si qofkaste uhelo fursan uu kumuujiyo kartidiisa. Waxaan samayn doonaa nidaam kusalaysan caddaalad ooy dadku kuhelaan lacagta daynta ah si ay ubilaabaan ganacsiga ay rabaan. Waxaan usamayn doonaa dadka qaata lacagta daynta nidaam aad usahlan ooy dib ogu bixin karaan.

Xisbiga Tiir waxuu kadhigi doonaa dhamaan ilaha dhaqaalaha ee dalka Soomaaliya sida waxsoosaarka Beeraha, kheyraadka Badda, kheyraadka dulka, xarumaha ay booqdaan  dalxiisayaashu, iyo dhoofinta xoolaha mid kudhisan qandaraas ay maamulaan shirkado Soomaali ah oo kamadax banaan doowladda fadaraalka.

Xisbiga Tiir waxuu aamin sanyahay in nidaamka in shirkado lasiiyo qandaraas keeni doono fursado ay shacabku kuhelaan shaqooyin kaladuwan iyo canshuur badan oo soogasha doowladda fadaraalka. Waxaan samayn doonaa sharci kudhisan caddaalad oo udhaxeeya doowladda iyo shirkadaha haysta qandaraaska ilaha dhaqaalaha Soomaaliya.

Xisbiga Tiir waxuu aamin sanyahay hadday maamulaan ilaha dhaqaale ee Soomaaliya shirkadaha aan doowliga ahayn ay keenayso macaamiil waanaag, shaqooyin badan, iyo kobac dhaqaale oo sare uqaada waxsoosaarka dalka Soomaaliya. Waayo shirkad kaste waxay kudadaali sideey u muujin lahayd maamul wanaag, macaamil wanaag, waxsoosaar dhaqaale, soodhawayn, iyo caddaalad si’ay uhaysato qandaraaskeeda.

Xisbiga Tiir waxuu aamin sanyahay hadday doowladda Soomaaliya qandaraas kusiiso dhamaan ilaha dhaqaalaha, adeego bulshada, caafimaadka, iyo waxbarashada shirkado Soomaali ah oo kamadax banaan doowladda in dalkeenu gaari doono hormar aad usareeya mudoyar gudahood. Waxaan aamin sanahay in doowladdu laxisaabtanto shirkadaha haysta qandaraasyada, ilaalisana xuquuqda shabacka Soomaaliyeed marwalba.

Xisbiga Tiir waxuu waajib kagadhigi doonaa dhamaan wasaaradaha doowladda Soomaaliya in wasaarad kaste soodiyaariso nidaam wanaagsan oo qeexaya shaqadayda iyo siday oola shaqayn rabto shirkadaha aysiini qandaraaska adeega bulshada iyo hormarka dalka Soomaaliya. Waxaan hormarin doonaa in shacabka Soomaaliyeed usinaadaan dhamaan waxyaabahan soosocda: shaqada, waxbarashada, caafimaadka, siyaasadda, ganacsiga, adeega bulshada, garsoorka maxkamadda, sharciya, xoriyatul qoolka, iyo caddaaladda.

Dib-udhiska dalka Soomaaliya iyo nidaamka aan isticmaali doono:
Dib-udhiska dalka:
Xisbiga Tiir shaqada ogu horaysa ay qabandoono waa dib-udhiska waddooyinka, buundooyinka, xarumaha caafimaadka, xaruma waxbarashada, xarumaha isgaarsiinta, xarumaha ciidanka qaranka, xarumaha booliska, iyo qurxinta xarumaha dalxiisayaashu yimaadaan sida xeebaha badda, wobiyaasha, iyo carwooyinka. Waxaan kadhigi doonaa waddooyinka Soomaaliya kuwo aad usareeya oo iskuxira dhamaan dalka oodhan sida gobal-gobal, magaalo-magaalo, iyo guri-guri si’aan nolasha ogu sahalno shacabka Soomaaliyeed ee kunool dalka gudahiisa.

Xisbiga Tiir waxay shaqadiisa koobaad noqon doontaa in uu kadhigo xarumaha caafimaadka iyo waxbarashada dalka Soomaaliya kuwo adeegoodu aad usareeyo oo looga yimaadu aduunka dacaladiisa oodhan.  Dib-udhiska dalka Soomaaliya waxaan diiradda saari doonaa: Waddooyinka, Garoomada diyaaradaha, Furdada badda, Isgaarsiinta, Boostada, Korantada, iyo Biyaha nadiifta ah.

Xisbiga Tiir waxuu kashaqayn doonaa ‘maalin iyo habayn’ in mawaadin kaste oo ah Soomaali meelkaste oo kaganoolyahay dalka Soomaaliya uu helo asagoo jooga gurigiisa shantaan qodob ee soosocota.

1)      Waddo laami ah oo hormarta gurigiisa.

2)      Laynka telefonka, intarneedka, iyo telefishinka.

3)      Adeega boostada.

4)      Korontada oo joogta 24 saac.

5)      Biyo nadiif ah oon go’aynin 24 saac.

Xisbiga Tiir waxuu kadhigi doonaa dhamaan wadooyinka iskuxira gobalada Soomaaliya in ay mas’uul kanoqoto dayactir kooda doowladda fadaraalka ee Soomaaliya. Waxaan u samyn doonaa wadooyinka iskuxira gobadala calaamado tiro-kaladuwan ah oo lagukala garto. Sidookale waxaan usamayn doonaa dhamaan waddooyinka dhaxmara magaalooyinka iyo xaafadaha calaamado kakooban tiro iyo magacyo si uu mawaadin kaste oo ah Soomaali uhelo adeega boostada iyo cinwaan ugaar ah gurigiisa. Waxaan kadhigi doonaa dhamaan waddooyinka dhaxmara magaalada iyo xaafadaha in ay mas’uul kanoqdaan dayactirkooda maamulada gobadala iyo madaxda xaafadaha.

Xisbiga Tiir waxuu qandaraas kusiin doonaa shirkadaha Soomaaliga ah in ay maamulaan dhamaan garoomada iyo furdadaha yaryarka ee loo-isticmaalo adeega dalka dhaxdiisa ah. Sidookale waxaan shirkadaha Soomaaliga ah qandaraas kusiin doonaa adeega korontada, adeega biyaha, iyo isgaarsiinta sida telefonada iyo talafishinada. Waxaan samayn doonaa sharci kudhisan caddaalad iyo sinaansho oo udhaxeeya doowladda fadaraalka ah iyo maamulka shirkadaha haysta qandaraaska.

Xisbiga Tiir waxuu kadhigi doonaa dhamaan garoomada iyo furdadaha waawayn ee loo isticmaalo adeega xiriirka caalamiga in ay maamusho doowladda fadaraalka Soomaaliya siloo ilaaliyo amaanka qaranka iyo shacabka Soomaaliyeed. Sidookale, waxaan kadhigi doonaa dhamaan adeega boostada mid ay maamusho doowladda fadaraalka Soomaaliya si doowladdu ulasocoto dhamaan waxyaabaha ku imaanaaya boostada dal gudahiisa iyo dibadba.

Xisbiga Tiir waxuu samayn doonaa sharci caddaynaaya dhamaan adeega boostada inta ay kuqaadan isugudbinta macluumaadka iyo qiimaha adeega boostada, sharcigaas oo lamid ah sharuucda uyaala boostada caalamka. Waxaan kasamayn doonaa magaalo kaste xaafadahayda xarun boosto oo mawaadinka Soomaaliga ah uu kurido hadba waxa uu rabo in uudiro. Kadibna waxaa kaqaadi shaqaalaha boostada muddo aan kabadnayn 24 saacadood, kuwaas oo gaarsiini meeshii loogu talagalay in adeegaas gaaro.

Xiriirka bulshada caalamka iyo sida aan u la’dhaqmidoono:
Xiriirka waddamada dariska la’ah Soomaaliya:
Xisbiga Tiir waxuu aamin sanyahay in dalkeena Soomaaliya noqon lahaa nabadgaliyo haddaan xiriir wanaagsan layeelano doowladaha dariska la’ah dalkeena sida Itoobiya, Kinya, iyo Jabuuti. Sidaas darteed, waxaan kudadaali doonaa in aan layeelano xiriir wanaagsan waddamada dariska la’ah dalkeena si’aan uhormarino amaanka nabadda ee qarankeena Soomaaliya.

Xisbiga Tiir waxuu bilaabi doonaa anshax wanaag, xushmad, iyo wadashaqayn dhaxmarta qarankeena Soomaaliya iyo waddamada dariskeena ah. Sidookale, waxaan ciribtiri doonaa dhamaan ficilada keenikara nac iyo colaad dhaxmarta qarankeena Soomaaliya iyo waddamada dariska nala’ah. Waxaan hormarin doonaa dhamaan waxyaabaha keenikara daris wanaag iyo wadashaqayn dalkeenu layeesho waddamada dariska nala’ah.

Xiriirka wadamada caalamka:
Xisbiga Tiir waxuu hormarin doonaa xiriir siyaasadeed oo wanaagsan oo dhaxmara dalkeena Soomaaliya iyo bulshada caalamka sida waddamada Afrika, waddamada Muslimiinta, waddamada Yurub, waddamada Waqooyiga Amerika, iyo waddamada Aasiya. Waxaan hordhigi doonaa qorshe siyaasadeed wanaagsan dhamaan maamulada waddamadaas. Qorshahaas oo kusalaysan macaamiil wadaag sida waxbarashada, tiknoolajiga, iyo siyaasad saaxiibtinimo.

Xisbiga Tiir qorshaha ogu horeeya ay kutalaabsan doono waxuu noqon in aan dib usaxno dhamaan xiriir wanaagii kadhaxeeyay Soomaaliya iyo doowladaha caalamka sida kuwa aan wadaagno diinta, midabka, ama uu naga dhaxayn jiray siyaasad wanaag. Waxaan aamin sanahay in dhamaan xiirka dhaxmari doowladda Soomaaliya iyo dunida caalamka uu noqdo mid aan dhib u geesanaynin danaha Soomaaliya.

Xisbiga Tiir waxuu xaqiiqo kadhigi doonaa xiriirka dhaxmari doona Soomaaliya iyo doowladaha caalamka in uu noqdo mid kusalaysan wadashaqayn, iyo macaamiil wanaag. Waxaan aamin sanahay in ay noqdaan dhamaan xiirka dhaxmari Soomaaliya iyo dunida caalamka mid ilaalin markaste amaanka qaranka, iyo sharafta shacabka Soomaaliyeed markastana ee kujirto danaha dalka iyo dadka Soomaaliya. 

Xiriirka ururada aan doowliga ahayn:
Xisbiga Tiir waxuu aamin sanyahay in doowladda Soomaaliya ay lamacaamisho ururada aan doowliga ahayn sida UN, AU, EU, iyo kuwa lamidka ah. Waxaan aamin sanahay in doowladda Soomaaliya ay layeelato wadashaqayn toos ah dhamaan ururada aan ahayn doowliga sidanaha dalka iyo dadka soomaaliyeed loohormariyo. Waxaan aamin sanahay in wadashaqayn lalayeesho ururada caalamiga ah ay ukeeni hormar dalkeena Soomaaliya mid dhaqaale iyo mid siyaasadeedba.