Su,aal kusocota dhalinyarada

Markahore waxaan u mahadcelineynaa dhamaan dhalinyarada Soomaaliyeed ee kuhoowlan sidii waxlooga badalilahaa xaaladda dalkeena iyo dadkeena murugsan muddadadheer.

Dhallinyaro dalkeenii iyo dadkeenii waxay marayaan xaalad kalaguur ah oo ubaahan in aan qeebteena kaqaadano silooga saaro dhibaatada dalkeena iyo dadkeena. Dhallinyarooy, sidaad wada ogtihiin horusocodka dalkeena waxaa ragaadiyay oo hortaagan kooxo kaladuwan oo wadta qorshayaal ayaga ugaar ah. Kooxahaas oo caado kadhigtay in aynan
isku tanaasulin siloo sooceliyo sharefteenii qaranimo ayn lahaanjirnay.

Dhallinyarooy, adduunyadu waligeed waxaa wax kabbadalijiray dhallinyarada, markaste ooy umadi kudhacdo dhibaato hogaanxumo iyo caddaaladdaro waxay dhallinyaradu bilaabijirayn isbadal cusub kaasoo uhorseeda waddo cusub oo hormar bulshadooda.

Tusaale, Imaam Axmad Guray markuu bilaabay kacdoonkii kadhanka ahaa boqortooyadii Itoobiya, kadibna uuqabsaday intabadan dalka Itoobiya waxuu jiray 22 sano. Sidookale, Sayid Maxamad Cabdile Xassan markuu bilaabay kacdoonkii ladagaalankii guumeesiga iyo raadintii midnimo Soomaaliyeed waxuujiray 39 sano. Si,lamid ah, 1956 SYL waxay udooratay in uu hogaamiyo xiligii xornima doonka Cabdullahi Issa Mohamud oo jiray 34 sano.

Kadib markii xoriyadda uu qaatay dalkeenu 1960, Ra,iisul Wasaarihii oogu horeeyay ee Soomaaliya waxuu ahaa Cabdirashiid Cali Sharmaake oo jiray 41 sano; kiikuxigayna waxuu ahaa Cabdirisaag Xaaji hussien oo jiray 40 sano; kiikuxigayna waxuu ahaa Muhammad Haji Ibrahim Egal oo jiray 39 sano.

Haddaan xusno taariikhda waddamada kale iyo dhalinyaradu doorka ay kulahaan jireyn hogaanka siyaasadda, Itoobiga waxaa hogaaminjiray dhallinyaro lagabilaabo 1916-1991. Tusaale, Haile Selassie waxuu qabtay hogaanka dalka Itoobiya asagoojira 24 sano, sidookale Mengistu Haile Mariam waxuu qabtay hogaanka dalka Itoobiya asagoojira 40 sano, silamid ah, Meles Zenawi waxuu qabtay hogaanka Itoobiga asagoojira 36 sano.

Haddaan xusno taariikhihii hore, markeey jirtay doowladdi Muslimiinta ee Umawiyiinta waxaajiray xilli dadku kukala sareyn jirayn midabka, qabiilka, maalka iyo waxii lamid ah. Kadib, waxaa hogaanka gacanta kudhigay Cumar ibnu Cabdul-caziz oo jiray 35 sano, kadibna waxuu baddalay dhamaan waxyaabihii qaldaadka ahaa ay kudhaqmijirtay doowladdii Umawiyiinta. Sidookale, Harun Al-Rashid oo jiray 23 sano ayaa hogaanka uqabtay doowladdii Muslimiinta ee Cabaasiyiinta, kadibna gaarsiiyay heer dhamaan umadaha kale ay usoodoontaan tacliinta, maamul wanaagga, iyo barashada tiknoolajiga.

Haddaba waxuu Xisbiga Tiir su,aal weediini dhamaan dhallinyarada Soomaaliyeed su,aashaas oo ah haddeey dhalintii hore badbaadiyayn bulshadoodii inaga maxaa inoodiiday in’aan hogaamino bulshadayne habacsan?

Mahadsanidiin,
Xisbiga Tiir
info@tiir.org
www.tiir.org