Sidee kubilaabmay Xisbiga

slide-1
slide-1
slide-1
slide-1
slide-1
previous arrow
next arrow

Xisbiga Tiir waxuu kubilaabmay dhalinyaro Soomaaliyeed oo kadanqatay dhibaatada haysata dadkooda iyo burburka soogaaray dalkooda. Waxayna go-aansadayn in ay kaqeeb qaataan xal-uhelidda dhibaatada Soomaaliya . Xisbiga Tiir waxaa go-aan ka ah in ay raadiyaan nabad waarta oo kadhacda dalka Soomaaliya, lana xaaltamaan qof ama koox kastoo kahor timaada hadafkooda nabad raadinta.

Xisbiga Tiir waxuu aaminsan yahay siloogu helo xalwaara dhibaatada Soomaaliya in ay muhiim tahay in la-isxushmeeyo, lakala roonaado, la-isku tanaasulo, lawada shaqeeyo, lana walaaloobo, lana iscafiyo. Xisbiga Tiir waxay wacad kumarayn in ay xooga saaraan xal uhelidda dhibaatada taagan iyo soosinta tasoo socota waxiitagayna looga tago taariikhda ama aargoosi.

Xisbiga Tiir waxuu sigaar ah ooga shaqayn doonaa: raadinta nabadda, dib uheshiisiinta, dhisidda doowlad dhaxe, dhisidda wadooyinka, kobcinta dhaqaalaha, hormarinta adeega bulshada, beeraahaa, waxbarashada, isbitaalada, cadaaladda, sinaanta, iyo midaynta umadda Soomaaliyeed. Xisbiga Tiir waxuu soodhaweenayaa dadaalada dhamaan dadka raba in ay Soomaaliya kadhacdo nabadwaarta.