Laamaha Xisbiga

committee
committee
previous arrow
next arrow

Xisbiga Tiir waxuu leeyahay afar (4) Hay’addood oo kahoolgala meelkaste oo Xisbigu kulaayahay xubno matale, si adeega bulshada ee Xisbigu qabto unoqdaan kuwo anfaca dhamaan shacabka Soomaaliyeed markaste iyo meel walba oo kunoolyihiin. Xubnaha Xisbigu waxay xaq uleeyihiin in ay kamid noqdaan hay’adda ay rabaan ama jacelyihiin.

Xubnaha Xisbiga ay raba in ay kamid noqdaan hay’addaha Xisbiga, waxaa lagarabaa in ay udiraan codsigooda xafiiska Masuulka Xisbiga uqaabilsan maasha ay joogaan, kadibna aysugaan intuu kasiin ogolaansho. Hay’addaha Xisbigu waxay udhisanyihiin qaabkan hoos kuxusan.

Waaxda Siyaasadda

HMS waxaa loogu talagalay in ay u istaagto danaha Xisbiga, Dalka iyo Dadka Soomaliyeed markaste. HMS waxay masuul katahay in ay kashaqayso dhamaan waxii kusaabsan siyaasadda Xisbiga, heshiisiinta kooxaha dagaashan, iyo hormarinta qorshaha siyaasadda ee Xisbiga.

HMS waxay masuul katahay in ay siiso talobixin baarlamaanka Soomaaliya talooyinkaas oo kusaabsan dhibaatooyinka ku imaan kara dalka Soomaaliya hanoqoto mid khuseeya magaalo, dagmo, gobel, ama wadanka oodhan. HMS waxay kudhiiragalin shacabka Soomaaliyeed in ay qeeblibaax kulahaadaan sharci dajinta baarlamaanka iyo isbadalada siyaasadda ee dalka Soomaaliya.

HMS waxay kudhiiro galin markaste iyo meelwalba oo lajoogo dhalinyarada Soomaaliyeed in ay kaqeeb qaataan siyaasadda dalkooda, waxayna kashaqayni sidii looga dhaqan galinlahaa Soomaaliya siyaasad kudhisan “xisbi-xisbi” maya “beel-beel”.

Waaxda Hormarinta Bulshada

HMB waxaa loogu talagalay in ay tababaro ufidiso shacabka Soomaaliyeed, kana shaqayso hormarinta goobaha waxbarashada, caafimaadka, waddooyinka, iyo abuuridda fursado ay shacabku kuhelaan shaqooyin. HMB waxaa loogu talagalay in ay u abuurto shakacka Soomaaliyeed fursado badan oo usahla hormarinta nolashooda.

HMB waxaa loogu talagalay in ay qaban qaabiso mashruucyo kusaabsan tartan waxbarasho, wacyigalinta bulshada, ciyaaraha, iyo anshaxa wanaagsan sida dulqaadka, isutanaasulka, wadajirka, walaaltinimada iyo suulinta qabyaaladdda.

HMB waxay kashaqayni hormarinta xuquuqda dumarka, ilaalinta caruurta, ciroolaha, iyo xaquuqda bini aadamka, waxayna ciribtiri xadgugubka, kalasooca, takooridda iyo kalasaraynta bulshada. HMB waxay markaste xal uraadin dhibaatooyinka kuyimaada bulshada qeeba heeda kaladuwan sida dhalinyarada, qoosaska, waayeelka, naafaha, iyo kahortaga dambiyada.

Waaxda Dhaqaalaha

HMD waxaa luugu talagalay in ay masuul kanoqoto dhamaan mashruucyada khuseeya hormarinta dhaqaalaha Xisbiga, waxayna siini markaste warbaxinta dhaqaalaha oo buuxda Golaha Sare ee Xisbiga. HMD waxay masuul katahay diyaarinta dhaqaalaha sanadka ee Xisbiga, abaabulka xubno cusub oo ogudeeqa dhaqaale Xisbiga, iyo ilaalinta waraaqaha ay kuqoranyihiin macluumaadka ilaha dhaqaale ee Xisbiga.

HMD waxaa loo aas aasay raadinta, iyo ilaalinta dhaqaalaha Xisbiga, lashaqaynta Masuuliyiinta Xisbiga ee Gobalada, siloo abuuro ilo dhaqaale oo Xisbigu kutiirsanaado. HMD waxay markaste lasocon isticmaalka dhaqaalaha Xisbiga, waxayna talobixin siini Golaha Sare ee Xisbiga sidii loohormariyo dhaqaalaha Xisbiga.

HMD waxay soo agaasimi xaflado loogu aruurini Xisbiga dhaqaale, siloo hormariyo adeega uu Xisbigu uqabto bulshada sida kuwa siyaasadda, wacyigalinta shacabka. hormarinta dhaqanka, suugaanta, dhalinyarada, qooska, ciyaaraha iyo fahanka wanaagsan ee diinta Islaamka. HMD waa lafdhabarta dhaqaalaha ee Xisbiga markaste iyo marxalo kaste oo Xisbigu maraayo.

Waaxda Diinta iyo Dhaqanka

HMDD waxaa loogu talagalay in ay hormariso barashada dhaqamada kaladuwan, iyo tirtiridda islawaynanka. HMDD waxay soo agaasimi tababaro kusaabsan dhaqamada kaladuway iyo faa iidada kujirta, dood cilmiyeed kusaabsan doowlad Islaam ah, iyo damuqraadiyadda siday uwada shaqayn karaan, iyo in ay laxiriiraan kooxaha Islamiga ah lana wadaagaa fikirka Xisbiga.

HMDD ujeedada loo aas aasay waxeetahay in ay abaabusho dood cilmiyeed ladhaxdhigo culimada, aqoonyahanada, dhalinyarada iyo siyaasiyiinta Soomaaliyeed. HMDD waxay aaminsantahay siloo helo madax wanaagsan oo matalikara shacabkooda, kana shaqeesa danaha umaddooda in ay muhiim tahay in looqabto bulshada qeebaheeda kaladuwan dood cilmiyeed lagulafaguri arimaha khuseeya danaha bulshada.