Muxuu gooni la yahay?

diffirence..somali
diffirence..somali
previous arrow
next arrow

Todobadaan qodob ee hoos kuqoran ayuu Xisbiga Tiir kagaduwan yahay dhamaan xisbiyada siyaasaga ee kajira Soomaaliya.
1) Xisbiga Tiir waxaa aas aasay dhalinyaro, waxaana hogaaminaya dhalinyaro.

2) Xisbiga Tiir waxuu aaminsan yahay in loo sameeyo Soomaaliya doowlad fadaral ah, waxayna kassoo horjeedaan nidaamka doowlad dhaxe.

3) Xisbiga Tiir waxuu qabaa talada oranaysa in dastuurka dalka laga tirtiro jagada Ra’iisul Wasaaraha, laguna baddalo madaxweena kuxigeeyn siloohelo siyaasad kudhisan sadex awood:
(A) Madaxweena, iyo golahiisa
(B) Baarlamaan iyo afhayayn kooda
(C) Gole maxkamadeed oo madaxbanaan.

4) Xisbiga Tiir waxuu diyaar u yahay in uu laxaaltamo dhamaan dadka kashaqeeya danaha umadda Soomaaliyeed iyo dalka.

5) Xisbiga Tiir waxuu aaminsan yahay 4.5 in aan lugu xalinkarin dhibaatada Soomaaliya, loona baahan yahay in lagu baddalo nidaamka Xisbiyada.

6) Xisbiga Tiir waxuu ku doortaa xubnahiisa aqoontooda, khibraddooda, iyo shaqsigu jaceeylka uu u qabo u adeega danaha  dalka iyo bulshada Soomaaliyeed

7) Xisbiga Tiir qofna ma diidaan in uu xubin kanoqdo xisbiga sabab laxiriirta qabiilkiisa, dadiisa, siyaasaddiisa hore, ama rag iyo dumar midkuuyahay.