Xubnaha Xisbiga

Platform-somali
Platform-somali
previous arrow
next arrow

Ugu horeyntii waxaa farxad noo ah in aan kaaga mahadcelino sida qiimaha badan eed u danaynaysid  kaqayb qaadashada wax kabadalka xaaladda dalkeena iyo dadkeena ee murugsan mudadadheer.

Xisbiga Tiir waxuu u baahan yahay khibraddaada, aqoontaada iyo kartidaada si looga badalo siyaasadda dalkeena 4.5 (qabiil) looguna baddalo siyaasad kusalaysan “xisbi-xisbi” xisbiyadaas oo leh aqoon, khibrad iyo karti hufan oo ay kaga awood badin karaan danaysteyaasha hortaagan nabadda Soomaaliya. Dhamaan dhalinyarada Soomaaliyeed waxaan ugu baaqaynaa kuna soo dhaweenaynaa Xisbiga Tiir xubin ka noqoshadiisa iyo taageeristiisa si loogu adeego danaha dalka iyo dadka.

Xisbiga Tiir waa xisbi siyaasi ah waxaana aasaasay dhalinyaro Soomaaliyeed oo aqoonyahano ah kuna nool waqooyiga America waxna kubaratay. Xubnaha Xisbiga Tiir waxay ka kooban yihiin: dhalinyaro, aqoonyahano, culimo, ganacsato, abwaano, suxufiyiin, siyaasiyiin, waalidiin iyo waxgarad. Xisbiga Tiir waxa uu leeyahay karti uu dib ugu dhiso xiriir wanaagsan oo dhex mara Soomaaliya iyo bulshada caalamka.

Hogaanka Xisbiga Tiir waxa uu u wadaa Soomaaliya qorshe cusub, fikrado iyo fursado badan, waxaana uu xisbigu hoosta ka xariiqay in uu mideeyo dhamaan dhalinyarada Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan. Xisbiga Tiir waxa uu ku soo dhawayn dhamaan xubnaha cusub gacmo furan, kalgacal, walaaltinimo, iyo wada shaqayn wacan. Waad mahadsan tihiin!
Fadlan buuxi foomkaan si,aad kamid uga noqotid Xisbiga Tiir.
halkaan kabuuxi